“Cirro la Dhig baan Islahaaye, Meel Xun bay igaga Dhacdee, Lacagtaydii Hallay Soo Celiyo..” Musharrax Faysal Cali Waraabe

MUSHARRAXA MADAXWEYNAHA XISBIGA UCID FAYSAL CALI WARAABE 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ahna Guddoomiyaha Xisbigaas, ayaa sheegay inuu ku tashaday in uu barbarreeyo ama la dhigo ama ku daydo tallaabo uu qaaday Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro, hase-yeeshee, qorshahaasi uu meel-xun kaga dhacay, isla markaana uu hadda doonayo Lacag Shan Kun oo Doollar dhan oo kaga baxday Nin uu Masuul ka dhigay oo iska casilay Xisbigiisa.

MUSHARRAXA MADAXWEYNAHA XISBIGA UCID FAYSAL CALI WARAABE 2017

Musharrax Faysal waxa uu sheegay in Guddoomiyihii Ku-meel-gaadhka ahaa ee uu Xisbiga UCID Eng. Maxamed Macallin Xirsi oo ololaha Maalmo ka hor Faysal u magacaabay oo shalay shaaciyey inuu iska casilay Xisbigaas, kuna biiray Xisbiga Waddani uu ahaa Nin aanu aqoon u lahayn oo Nin kale u keenay, isla markaana uu hadda doonayo Lacag uu siiyey ama kaga baxday.

Waxaannu Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo wax lagaga weydiiyey Is-casilaadda Guddoomiyihii Ku-meel-gaadhka ahaa ee UCID mar uu Faysal Kulan Hargeysa Maanta kaga qaybgalay oo uu arrimahaas ku soo qaaday, si aad loogu qoslayna uga sheekeeyey dhacdadaas, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.