Lionel Messi oo Codsi Layaab leh u Diray Macallinka Kooxdiisa Barcelona

Lionel Messi with Ernesto Valverde

Aftahannews(Sports):- Hoggaamiyaha Kooxda Barcelona Lionel Messi, ayaa Tabobbaraha Kooxdiisa ka dalbaday inuu nasiyo, maaddaama oo uu aad u daalay Kulammada ugu soo horreeya ee ay Ciyaari doonaan.

Lionel Messi with Ernesto Valverde

Messi 30- jira ayaa u muuqada mid aad u daalay maadaama uu ciyaaray kulan walba oo ay kooxdiisa ciyaartay xilligan marka laga soo tago hal kulan oo ka tirsan Copa del Rey oo ay kooxdiisu la ciyaartay kooxda Real Murcia.
Sida lagu qoray El Mundo Deportivo Mucjisada xulka Argentina ayaa hada tababaraha kooxdiisa Barca Ernesto Valverde iyo tababaraha xulkiisa Argentina Jorge Sampaoli ka dalbaday inay Nasiyaan maadaama uu aad u daalay.
Ernesto Valverde oo ah hogaamiyaha kooxda Barca ayaa hada ku fikirayaa inuu aqbalo codsiga Lionel Messi ee ah in la nasiyo wuxuuna doonayaa inuu ka saaro liiska ciyaartoyda kooxda Barca ee ka hortagi doonta kooxaha Leganes iyo Valencia.
Ciyaaryahan Lionel Andrés Messi ayaa hadda ku jira qaab ciyaareed qurux badan wuxuuna kooxdiisa u ansixiyey 16 gool 17 kulan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.