Musharrax Cirro oo Digniin Adag u diray Dalalka Deriska la ah Somaliland

MUSHARRAXA MADAXWEYNAHA WADDANI CABDIRAXMAAN-CIRRO OO DAWLADAHA JAAR DIGNIIN U DIRAY 2017

“Walaalayaal aniga iyo Xisbiga Waddani midna ma aamminsana in Beel ama Koox Somaliland ka mid ahi ay u shaqayso Soomaaliya, waase Muuse iyo Garaadkiisa..Xamar lagu Tartami maayee Somaliland baa lagu tartamayaa..” “Midi waa Cafis iyo Saamaxaad aan u samaynayo ama Siinayo Dhalinyaradii la soo qalday ee Gurigayga Weerartay…” Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro

MUSHARRAXA MADAXWEYNAHA WADDANI CABDIRAXMAAN-CIRRO OO DAWLADAHA JAAR DIGNIIN U DIRAY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inaanay jirin Koox, Xisbi, Reer ama Shaqsiyaad Somaliland ku sugan oo ka hor-iman karta Gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland ee Go’aanka Shacabka ku yimi, balse inay Waddani dacaayado noocaas ah ku eedeeyaan Xisbiga Waddani ay tahay Garaadka Musharrixiinta UCID iyo Kulmiy Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe. Waxaanu Waddamada Deriska ah uga digay inay farogeliyaan doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro waxa arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay Khudbad uu shalay ka jeediyey Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa oo uu kaga qaybgalay Isu-soobixii ugu ballaadhnaa ee Xisbiga Waddani Taageeradiisa ku muujiyo maalintiisa toddobaad oo lagu soo gunaanaday guud ahaan ololihii doorashada Madaxtooyada ee 13-ka bishan qabsoomaysa ay Xisbiyadu ugu jireen.

Waxa uu Musharrax Cirro Khudbaddiisa ku sheegay in meesha lagu tartamayaa tahay Somaliland, isla markaana haddii ay Musharrixiinta Xisbiyada UCID iyo KULMIYE Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi aanay tartami karin ay u roon tahay inay tanaasulaan, halkay isku dayayaan inay Bulshada Marin-habaabiyaan oo ay dacaayado aan jirin ku ololaynayaan, sida uu hadalka u dhigay Cirro. Waxa uu Musharrax Cirro Cafis iyo Saamaxaad u fidiyey Dhalinyaro Wareeggii Saddexaad ee ololaha doorashada Gurigiisa magaalada Hargeysa uu ka deggan yahay weeraray, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen Dhalinyaro la soo qalday oo uu saamaxay. “Midi waa Cafis iyo Saamaxaad aan u samaynayo ama Siinayo Dhalinyaradii la soo qalday ee Gurigayga Weerartay…” sidaa ayuu yidhi Cirro.

Musharrax Cirro waxa uu sheegay in Xukuumadda Xisbiga Waddani soo dhisayo haddii uu guulaysto ay tahay mid deris-wanaag iyo xidhiidho wada-shaqaynayd la yeelan doonta dalalka Jaarka la ah Somaliland, isla markaana Dalka iyo Dadka-ba ka saari doonta dhibka iyo nolol-xumada ay Xukuumadda Kulmiye badday, sida uu hadalka u dhigay Musharrax Cirro. Waxase uu sheegay inay uga digayaan Dalalka Derisku inay farogelin ku sameeyaan doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo arrimeheeda gudaha, kuna kacaan falal amniga iyo walaalnimada wax u dhimi karta.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in uu dawo rasmi ah u noqonayso musuqmaasuqa, qabyaaladda, qaraabo kiilka iyo hantida la iibiyay oo la soo celiyo, islamarkaana uu wax ka qabanayo sixir bararka, qiimo beelka shilinka Somaliland, shaqo la’aanta, abaaraha soo noqnoqday iyo jahaynta hannaanka citiraaf radiant Somaliland. Waxa uu sheegay in uu ka dhabayn doono ujeedada dawladnimada loo samaystay ee ah horumar nololeed. Waxa uu sheegay in uu samayn doono hay’ad maaraysay sixir bararka iyo hay’ad la tacaasha ka hor tagga abaaraha soo noqnoqday.

Musharraxa Madaxweynaha Waddani Md. Cirro oo ka hadlaya Dacaayadaha ay Musharrixiinta Xisbiyada UCID iyo Kulmiye ku duraan Waddani iyo Musharrixiisa, waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay Xamar lagu tartami maayo ee Hargeysa ayaa lagu tartamaya ee shacbiga u soo bandhiga waxa aad ka iibinaysaan. Waxaan leeyahay arrimahaasi waa garaadkooda waa Garaadka Muuse. Walaalayaal aniga iyo Xisbiga Waddani midna ma aamminsana in Beel ama Koox Somaliland ka mid ahi ay u shaqayso Soomaaliya, waase Muuse iyo Garaadkiisa. Xisbiga Waddani waxa uu aamminsan yahay in shacbiga Somaliland yahay dad walaalo ah oo leh xuquuq siman. Ma dhici karto in la yidhaahdo Beel baa Beel loo baryay ama Qof baa Qof loo baryay, waxaynu doonaynaa in aynu abuurno Shacab awoodaha  xilalka dalka iyo khayraadka u siman. Waxaan leeyahay wax walba oo aad samayn karayseen waad samayseen. Laakiin, ma badbaadin kartaan Doon degaysa ee wax ku qaata dareenka shacabka. Waxaan baaq u diraya New Kulmiye iyo Faysal oo aan leeyahay haddii aydaan tartami karayn dee iska tanaasula.”

Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sheegay in xukumaddiisu Ciidamada kala duwan ee Qaranka mushaharka u kordhin doono 250%, islamarkaana la xaqsiin doono askari kasta oo waajib Qaran ku dhinta ama wax ku noqda,  sidoo kale guryo u dhisi doono Ciidamada. Waxa uu sheegay in la samayn doono xafiiska hawlgabka shaqaalaha dawladda si dadka waaweyn ee Qaranka u soo shaqeeyay loo nasiyo. Waxa uu sheegay in xukumaddiisu mushaharka u kordhin doonto shaqaalaha, macallimiinta iyo cuqaasha “Xisbiga Waddani hanti kasta oo dalku lahaa oo sifo sharci darro ah ku baxday gacanta shacbiga lagu soo celin doona. Annaga oo og shaqo la’aanta baahsan mudo xileedka hore ee 5-ta sanno xisbiga Waddani waxa uu abuuraya 15000 shaqo. Waxaannu dejinay qorshe wax lagaga qabanayo sixir bararka laguna kordhinayo dhaqaalaha laguna dhiiri gelinayo maalgashiga. Biyo la’aanta Hargeysa waanu dawaynayna oo biyo ku filan ayaanu caasimadda u keenayna. Somaliland waxaanu u caddaynayna in aanu Musuqmaasuqa la dagaallamayno si dulqaad la’aan ah. Waxaanu adkayn doona amniga Qaranka. Amniga Somaliland marnaba gorgor tagan ma galayo. Dalalka dariska waxaanu kula noolaanayna nabad iyo daris wanaag, waxaanuse uga digayna in ay  faro geliyaan doorashada madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ama ay ku kacaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta amniga iyo jiritaanka Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkan Qoraalka ah oo ka soo baxay Xisbiga Waddani oo xalay Nuqul ka mid ahi Aftahannews soo gaadhay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.