“Khubadda Muuse Biixi Ku Hambalyayn Doono Waddani Marka Doorashada Laga Helo..” W/Q: Siciid Gahayr

MUUSE BIIXI CABDIRAXMAAN-CIRRO IYO FAYSAL CALI WARAABE 2017

Waxa aan ku qarway iyada oo uu Xisbiga Waddani ku guulaystay doorashada Madaxtooyada ee dalka ka dhacaysa 13ka Nofermber 2017ka. Waxa farxad ah in ay si nabadgelyo ah ku dhammaato oo aanay deerana deero u hirdiyin. Iyada oo la fili karo in aqbalaad laga filo murashixiinta UCID iyo Kulmiye, waxa khubad malabku da’ayo oo hurdada iga toosisay warbaahinta ka jeeday Guddoomiyaha ama Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Si dareen-taabad iyo dal-jacayl leh ayuu bulshada u hogatusay.

MUUSE BIIXI CABDIRAXMAAN-CIRRO IYO FAYSAL CALI WARAABE 2017

Khudbaddii uu Mujaahid Muuse Biixi Cabdi jeediyay 25ka Nofermber 2017ka oo ah maalin kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadu waxa ay u dhignayd sidan:
 
“Bismillah, ugu horreyn waxa mahad leh Ilaahay. Mar labaadna waxa aan bariido gaadhsiinayaa bulshada Somaliland barkasta oo ay joogaan. Aniga oo ku hadlaya afka xisbiga KULMIYE, waxa aan sharfayaa bulsho-weynta dunida ee Somaliland ku barbartaanagyd doorashadii saddexaad ee loogu tartamo Madaxtooyada, ahna doorashadii lixaad ee dalka ka qabsoonta kaddib markii aynu 18kii Mey 1991kii madax-bannaanida la soo laabannay.
 
Sida dastuurkeennu dhigayo qof kasta oo Somaliland u dhashay waxa uu gar u leeyahay in la doorto iyo in uu cid doorto. Aniga oo raacay hannaankaas sharciga ah waxa aan isu taagay doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 13kii Nofember 2017ka, waxaana loollankaas ka qayb-galay saddex murashax iyo saddex ku-xigeen oo ka socday saddexda xisbi ee Somaliland ka jira.
 
Waxa aan ahaa murashaxa keliya ee ka qayb-galay halgankii dib-u-xoreynta Somaliland isla markaasna goobjoogga u ahaa dhammaan shirarkii la soo noqoshada xorriyadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta qaranka. Xisbiga KULMIYE ee aan ka beretamay waxa uu talada dalka hayay toddoba sano, wax badan ayaanu ka qabtay xilka ummaddu u dooratay sannadkii 2010ka, maadaama oo aan dalka abaal badan ku leeyahay, waxa aan filayay in aan ku soo baxo codka ugu badan ee ay muwaaddiniintu dhiibanayaan, loollan hufan ayaanu xisbi ahaan galnay annaga oo soo bandhignay barnaamij aanu rabnay in aanu kalsoonida codeeyayaasha ku helno, dedaal kasta oo aanu galnayna gari laba nin kama qosliso. Si kastana aniga oo cirro leh la igama filayo inaan carqaladeeyo carrigii aan gobbannimadiisa u cooflaystay ee aan sida aarka caymaha cidla’da u galay.
 
Qof ayuun baa talada qaranka gacanta ku dhigi lahaa. Aniga oo aan is-faanaynnin, waxa aan isu arkayay dad badanina igu raacsanaayeen in ahaa hormoodka ugu habboon in uu hago qaranka oo uu noqdo madaxweynaha shanaad ee xilka kala wareega Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
 
Sida ay ku dhawaaqeen Komishanka Doorashada Qaranka oo u xilsaarnaa kala-saarista xisbiyadu, waxa aanu galnay kaalinta labaad. Maadaama oo aan hore u saxeexay aqbalaadda natiijada, waxa waajib ah in aan maantana ku qanco rabitaanka shacabkeenna iyo dadka Somaliland. Sidaas awgeed waxa aan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, Madaxweyne-ku-xigeenka Dr Maxamed Cali iyo taageerayaasha, masuuliyiinta iyo bahweynta WADDANI oo aan leeyahay waan idiin qiray guusha aad hanateen, waxaanan ahay muwaaddin u hoggaansan xeerka dalka ee aad nagu hoggaamin doontaan. Waxa kale oo aan bogaadinayaa Murashixiintii UCID gaar ahaan Engineer Faysal Cali Waraabe oo haddii aan kaftamo caan ku ahaa in uu mar walba galo kaalinta saddexaad. Tanaasulkii dhaqanka inoo ahaa ayuu muujiyay.
 
Haddii aan erey kale ku duurxalana dee ma filaynnin in WADDANI na dheer yahay tilmaan uu ku gacan-sarreeyo laakiin hore ayaa loo yidhi “Wixii cusub caalamkaa jecele” waxa ay shacbigu doorbideen in ay tijaabiyaan xisbigaas ku cusbaa garoonnada loolanka. Haddii aanu WADDANI ku xaman jirnay in uu ahaa layli, waxa laga rabaa in uu noqdo hayin biyo-ma-daadshe ah. Mar walbana waxa inaga dhexeeye ee dal, dad, diin iyo dan ah ayaa ka weyn waxa aynu ku kala duwannahay. Damiirka noolina wuxuu farayaa in la ahaado ul iyo diirkeed.
 
Haddii maalin lagaa guulaysto, micnaheedu ma aha in aad fashilantay oo aanad tallaabo dambe qaadi karin. Sidii uu Xisbiga KULMIYE 80ka cod ugu qancay 2003dii, isla markaana uu guusha weyn u gaadhay 2010kii, waxan ahay murashax filaya inuu mar kale isu taago doorashada 2022ka. Dhawritaanka ummaddayda, aqbalaaddayda natiijada ee waddaniyadda leh, go’aankayga aan ku badbaadiyay wadajirka bulshadeenna iyo bisaylka siyaasadeed ee aan muujiyayna waxa aan filayaa in ummaddaydu noogu abaal-gudi doonto loollanka dambe haddii Eebbe idmo.
 
Guul-darradu waxa ay ku bartaa jidka guusha, hadda waxa aynu haynnaa fursad aynu goldalooladeenna ku qabya-tirno, sidoo kalena waxa aynu nahay waayo-arag casharro ka bartay tababarka dimuqraaddiyadeed ee faro-ciddidood la inagaga badiyay. Ha niyad-jebina, ha baydhia, ha baraq-lugnaannina, baqoolka diyaar u ahaado, weysaduna sidii iyo si ka badan ha idiinku biyaysnaato.
 
Sida dad badani igu dhaliilaan ama laga yaabo in la iiga filayay qas iyo qalalaase, marna ku kici maayo, igamana suurtawdo in aan ku tallaabsado naxli kala geeya dadkeenna midaysan. Hore waxa aan waddankayga u gashaday wanaag badan, imaka iyo mustaqbalkana waxa aan ahaanayaa SAMOTALIS ku dhiirran dhismaha, horumarka iyo taabbaqaadkiisa qarankiisa. Guddoonka san iyo niyad-sami aanu ku qaabbilnay natiijadii doorashadu waxa ay laban-laabi doontaa sumcadda iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo caalamka sida dalalka deriska ah, Midawga Afrika, Qaramada Midoobay iyo cid kasta oo dananaysa badhaadhaha mandaqadda xasaasiga ah ee Geeska Afrika.
 
Ugu dambayntii waxa aan taageerayaasha KULMIYE ku dardaarayaa in ay maanka ku hayaan in halkiisii uu yahay halganka aynu ugu jirno hanashada dalku, waxa kow la yidhiba wuu kooban yahay. Ummadda Somalilandna waxa aan ku dardaarayaa in ay u midoobaan dedaalka aynu jirno ka-midha-dhalinta qaddiyadda qarankeenna gudo iyo dibadba. Sidoo kale waxa aan u hanweynahay in aynu dhawrno sharciga dalka oo ah ka aynu ku leennahay milgaha, maamuuska iyo meeqaamka sare.
 
Ilaahayna waxa ay ka baryayaa in uu xilka u fududeeyo masuuliyiinta loo doortay hoggaaminta qaranka. Reer Somalilandna waxa aan leeyahay guul, guul, guul”

Siciid Maxamuud Gahayr
Facebook: Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com, siciidgahayr@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.