Sammaale Ma Wuxuu Noqday Ninkii Daadka ka Reebay Ninka ay Colka yihiin? W/Q: Maxamed-Xarrago

CABDICASIIS MAXAMED SAMAALE

Beri beryaha ka mid ah laba nin oo colaad raagtay ka dhaxayso, ayaa  maalin maalmaha ka mid ah midkood uu daad qaaday, ka dibna uu ka soo reebay kii kale, dabadeedna ninkii daadka laga reebay, ayaa u mahadceliyay kii kale oo yidhi, “weligay ismaan lahayn hebel baa abaal kuu geli” kii kale intuu qoslay ayuu ugu jawaabay, “Daadka kaagamaan reebin jacayl iyo bilow-aadantinimo toona ee waxaan is lahaa yaan Cadaabal qabriga laga saamixin.”

CABDICASIIS MAXAMED SAMAALE

Waxaa sheekadan oo kale ka dhigan Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah Xubnaha ugu muhiimsan ee loo xilsaaray ololaha Xisbiga Kulmiye balse Cabdicasiis Maxamed Sammaale ololaha Xisbiga Kulmiye waxaa uu dhex wadaa olole uu isagu isku muujinayo.

Sammaale oo gacanta ku haya dhaqaale loogu talogalay ololaha Xisbiga Kulmiye, ayaa wuxuu sammeeyay shebekad suxufiyiin ah oo isaga toos u hoos taga dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba, kuwaasoo aanu ugu faa’iidayn ololaha Xisbiga Kulmiye, balse si gaara ah u qaabilsan inay tebiyaan warar u gaar ah Cabdicasiis Sammaale.

Maalmihii u dambeeyay maalmaha ololaha Kulmiye u leeyahay waxaa Telefiishannada, Joornaallada iyo Websiteyada qaarkood laga baahinayay warbixinno u gaar ah Cabdicasiis Sammaale.

Ma la odhan karaa Cabdicasiis Sammaale wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka ahaayeen?

WQ Suxufi Maxamed Siciid C/laahi (Xarrago)

Hargeysa/Somaliland

Aftahannews.com.