Hooyo Ku Dhex Umushay Diyaarad Jubba Airways leeday iyadoo Hawada Ku Jirta

Hawada(Aftahannews):- Waxay ahayd dhacdo cajiib ah oo isugu jirtay badbaadin iyo naf-hurnimo, ka dib markii Haweeney ku dul Umushay Diyaaradda Jubba Airways xilli ay ku jirtay Duullimaadkeedii caadiga ahaa Axaddii shalay, kuna maraysay hawada sare ee dalka Itoobiya.

WIIL KU DUL-DHASHAY DIYAARADDA JUBBA AIRWAYS OO HAWADA DALKA ITOOBIYA KU JIRTA 2017

Diyaaradda oo ka duushay magaalada Hargeysa, kuna jeedday Muqdisho, duullimaadkeeduna ahaa illaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa xilli ay dulmareysay deegaanka Qabri-Daharre ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, dhulkana u jirtay 32,000 (Soddon iyo labo kun) oo cagood (feet), waxaa uu mid ka mid ah Rakaabkii la socday oo lagu magacabo Maxamed Cali Jimcaale ku wargaliyay Shaqaalaha Jubba Airways in ay jirto Hooyo xanuunsaneysa oo Diyaaradda saaran, isla markaana u baahan in la caawiyo.

Hasse-ahaatee, markii uu warka arrintan ku saabsan soo gaaray howlwadeennada waxaa markiiba gurmad u sameeyay Injineerka Diyaaradda oo lagu magacaabo Kaamil Olol Diinle oo ka soo kaxeeyay Hooyada xanuunsaneysa halkii ay Diyaaradda ka fadhiday isaga oo keenay qeybta Business Class –ka, ka dib markii la ogaaday in ay foolaneyso, sida uu Kaamil u sheegay Hiiraan.com markii ay Diyaaraddu Muqdisho fadhiisatay shalay ka dib.

Injineer Kaamil, ayaa codbaahiyaha Diyaaradda ku weydiiyay Rakaabka bal haddii ay jirto Qof yaqaan Cilmiga Umuliso-nimada, waxaana nasiib-wanaaag la helay Umuliso Xafsa Axmed iyo Kalkaaliso Safiyo Ceydiid oo labaduba ka hawlgalay in ay si caadi ah u dhasho Hooyada magaceeda lagu soo koobay Ibtisaam oo umushay Wiil. Qof ka mid ahaa dadkii la socday Diyaaradda ku caawiyey Wiilka yar Buste la huwiyo.

Kabtanka Diyaaradda oo lagu magacaabo Capt Nish Seebran oo xidhiidh la soo sameeyay garoonka diyaaardaha magaalada Muqdisho waxaa uu codsaday in laga hormariyo dayaaradaha kale , waxaana uu kordhiyey orodkiisa isaga ka soo hormaray 10 daqiiqo waqtigii caadiga ahaa loogu talgalay in ay diyaarada soo caga dhigato si loo badbaadiyo xaalada caafimaad ee Hooyo Ibtisaam iyo Ilmaheeda yar ee ku dul dhashay diyaarada.

Wiilkeeda Yar oo loo bixiyey Magiciisa Kaamil, ayaa isaga iyo Hooyadiiba Caafimaadkooda la sheegay inuu fiican yahay.

Sida, Duullimaadyada Caalamiga ah ee Adduunka, haddii uu Canug ku dhasho Diyaaradda oo ku jirta duullimaad, waxaa uu Shirkadda Diyaaraddaas ku yeeshaa xuquuq ah duullimaad Lacag la’aan ah inta nolashiisa ka dhiman, lamana oga in Shirkadda Jubba Airways Kaamil-yare ka heli doono Xaquuq taa la mid ah. Waana arrin dhif iyo nadir ah inta badan in ilmo ku dul-dhasho Diyaarad, hase-yeeshee, haddana waa arrin dhacda oo lagu arko duullimaadyada Dunida, waloow ay yar yihiin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.