Musharrax Cirro oo Farriin Muhiim ah u Diray Taageerayaasha Xisbiga Waddani oo Berri Isu-soo Baxaya

MUSHARRAX CABDIRAXMAAN-CIRRO OO XAJKA KA SOO LAABTAY HARGEYSANA WARBAAHINTA QAAR KULA HADLAY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Dardaaran iyo Talo u jeediyey Taageerayaasha Xisbigiisa ee maalintooda koowaad ee Ololaha Isniinta Berri isugu soo baxaya magaalooyinka waaweyn ee gobollada Somaliland, iyaga oo ay Sabtidii shalay iyo Axaddii Maanta ololohooda sameeyeen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye.

MUSHARRAX CABDIRAXMAAN-CIRRO OO XAJKA KA SOO LAABTAY HARGEYSANA WARBAAHINTA QAAR KULA HADLAY 2017

Waxa uu Musharrax Cirro Taageerayaasha Xisbiga Waddani u soo jeediyey inay ilaaliyaan Anshaxa iyo Akhlaaqda Suubban ee Islaamka iyo nabadgelyada guud, isla markaana ay si nabadgelyo iyo niyad-sami leh u muujiyaan Cududdooda Taageero ee ay u hayaan Xisbiga Waddani.

“Waxaa maanta innoo bilaabmay u diyaargarowga maalinta koowaad ee aynu lahayn isu-soo baxa ololaha doorashada Madaxtooyada oo ku eegaan Isniinta Berri.” Sidaa ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo caawa Farriin kooban Warbaahinta qaarkood u mariyey Taageerayaashiisa.

Cirro oo sii watay hadalkiisa, waxa uu intaas ku ladhay; “Waxaan ku faraxsanahay sidaad u diyaargarowdeen haddaad tihiin Taageerayaasha Xisbiga Waddani, waxaan jecelahay in aan la dardaarmo dhammaan Taageerayaasha oo aan kula dardaarmo, maaddaama oo isu-soo bax wayni dhacayo, Ummad Islaamana aynu nahay in aynu ilaalinno Anshaxa iyo Dhaqankeenna Suubban ee Islaamka.”

“Waxa kale oo aan ku dardaarayaa Taageerayaasha Xisbiga Waddani inay ilaaliyaan degganaanshaha iyo Ammaanka, iyagoo gudanayaa waajibkooda ah inay muujiyaan Cududdooda Taageero, waxaanan ku kalsoonahay inaad Cududdiinna si wayn u muujin doontaan.” Sidaa ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.