“Marka Madaxdu Akhlaaq leedahay… Ummaddu Way Qurux badan Tahay, laakiin..” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir

SHEEKH MAXAMED SHEEKH CUMAR DIRIR

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay in Akhlaaqda wanaagsan oo la ilaaliyo ka mid tahay arrimaha Amniga lagu ilaaliyo, isla markaana marka ay Madaxdu Akhlaaq wanaagsan leedahay, Guryahana laga hirgeliyo Akhlaaq wacan Ummaddu qurux badnaanayso, haddiise taasi aanay jirin, Bulshadu wanaagga beddelkiisa oo Xumaanta ah ku dhacayso.

SHEEKH MAXAMED SHEEKH CUMAR DIRIR

Waxa uu Sheekh Dirir sidaa ku sheegay Khudbaddii Jimcihii dorraad uu ka jeediyey Masjidka Rusheeye ee magaalada Hargeysa oo uu kaga hadlay Nabadgelyo-darrada iyo waxyaabaha sababa waxay Diintu ka tidhi, waxaanu yidhil; “Sababaha keena nabadgelyo darada waxa ka mid ah marka adoomahu Ilaahay ka fogaadaan. Marka nimco badan oo Ilaahay keenay lagu kibro, waxa laga dhaxla dhibaato nabadgelyo-daradu u horeyso.”

Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir, ayaa soo jeediyey in loo baahan yahay in akhlaaqda Suubban Dhallaanka Islaamka lagu barbaariyo, si wanaagga iyo Diiintu u faafaan, waxaanu yidhi; “In xumaanta layska reebo, wanaagsana lays faro, oo dawladu ugu horeyso, culimada iyo shacabkaba, waa sababaha nabadgelyada inoo Ilaalin kara, taasoo cid keliya aan lagu hallayn.”

“Hadii ummadu sharciga ku dhaqmi waayaan oo dulmigu bato, oo xaqii Ilaahay kii ummadaba la dulmiyo, nabadgelyadu dan ayey u tegaysaa. Ilaahay SW waxuu inoo sheegay ‘Ilaahay waxuu yidhi nabadgelyo iyo hanuun waxa leh kuwa aan iimaankooda cadaalad-darro ku darin’.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Maxamed.

Sheekha oo tilmaamaya asbaabaha wanaagsan iyo doorka ay ammaanka ka qaataan, waxa uu yidhi; “Ummaduhu waa akhlaaq, marka Madaxdu Akhlaaq leedahay, Ooriyaha iyo Ubadku Akhlaaq leeyihiin, Ummaddu way qurux badan tahay, laakiin haddii ay noqdaan mid Qof walba waxa uu doono samaynayo Ummaddaasi way baaba’day. Rasuulku CSW waxa uu yidhi; ‘Qofkii Illaahay iyo Rasuulka rumeeyey ha ku hadlo khayr ama hayska aamuso’. Akhlaaqda wanaagsan oo la ilaaliyaa waa arrimaha amniga lagu ilaaliyo.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.