Madaxweynaha Somaliland, Musharrixiinta Xisbiyada & Shir-guddoonka Wakiillada oo Ka Hadlay Geerida Xildhibaan Xasan Cawaale

MARXUUM XILDHIBAAN XASAN CAWAALE CAYNAAN IYO MADAX KA HADASHAY GEERIDIISA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Marxuum Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Subaxnimadii shalay ku geeriyooday magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo xaalad caafimaad dhawaan loo geeyey.

MARXUUM XILDHIBAAN XASAN CAWAALE CAYNAAN IYO MADAX KA HADASHAY GEERIDIISA 2017

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Musharrixiinta Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cab dillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe, Shir-guddoonka Golayaasha Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiillada, Xildhibaanno Golayaashaa ka tirsan, Wasiirro iyo Siyaasiyiin kale, ayaa ka hadlay Geerida Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo sidoo kale ahaa Macallin caan ka ah Somaliland, waxaanay Tacsi u direen Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, guud ahaan Somaliland iyo Golaha Wakiillada ee uu ka baxay Marxuumku, iyagoo Allaah uga beryey inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo Marxuummka.

Marxuum Xasan Cawaale intii aanu Golaha Wakiillada ka mid noqon doorashadii 2005-tii oo laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex oo uu Codadkii ugu badnaa ugaga soo baxay Xisbigii UDUB, waxa uu ahaa Macallin Dhiga Xisaabta oo aad loogu ixtiraami jiray, Dhalinyaro badan oo Reer Somaliland ahina ka aflaxeen, Dugsiga 17 May ee uu Maamulaha iyo Macallinkaba ka ahaa oo ku yaallay magaalada Hargeysa oo uu weli ka jiro.

Doorashadii Golaha Wakiillada ee Somaliland ka dhacday 2005-tii ayaa loogu doortay Mudane Gole Baarlamaan. Waxa uu noqday Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo Warbaahinta la hadlay, ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabada iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay.

TACSIDA MADAXWEYNAHA; IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN; Qoraal Tacsi ah oo Madaxtooyada ka soo baxay; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka,  haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo xalay oo ay  taariikhdu ahayd 21.10.2017 ku geeriyooday dalka Jabuuti oo uu xaalad caafimaad u jiifay maalmahan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay qaranka Somaliland, gaar ahaan bahda waxbarashada iyo siyaasada dalka, waxaanu marxuumku ka mid ahaa dadkii ka qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, isagoo ka mid ahaa aqoonyahankii qalinka iyo tabaashiirta u qaatay inay dalka u soo saaraan jiilal aqoon iyo cilmi ku dhisan, taasi oo uu muddo ku soo jiray markii danbena uu ka mid noqday golaha wakiilada Somaliland ee wakhtigan jooga, balse ay tii Alle u timid Marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Allaah uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka,  haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Kulmiye; Qoraal Tacsi ah oo Kulmiye ka soo baxay, ayaa lagu yidhi sidan;- “Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Somaliland ee Kulmiye ahna murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska, Qaraabada, Ehelada, Golayaasha Baarlamanka iyo guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ku geeriyooday dalka Jabuuti Subaxnimadii shalay oo taariikhdu ahayd 21/10/2017.

Marxuum Xasan Cawaale Caynaan waxa uu ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doortay Xisbigii UDUB sannadkii 2005, isagoo waqtiganna ka mid ahaa Mudanayaasha la midoobay Xisbiga Kulmiye, waxaannu ahaa Aqoonyahan ku soo tabcay oo waxbaray Dhallinyaro badan oo reer Somaliland.

Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.”

Guddoomiya ahna Murrashaxa Waddani, Qoraal Tacsi ah oo Waddani ka soo baxay, ayaa lagu yidhi sidan;- “Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa iyo Ka Xisbigaas, wuxuu Tacsi Tiiraanyo leh u diray guud ahaan Somaliland, gaar ahaan Ehelka, Qaraabada, Asxaabta iyo Golaha Wakiillada ee uu ka baxay Marxuumku isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi aad u dadnimo wanaagsan oo ka shaqeyn jiray danta guud iyada oo aad loggu xasuusto Doorkiisii Macallinnimo, tan iyo markii Golahaas la soo doortay 2005-tiina ka tirsanaa Mudanayaasha Golahaas. Waxa uu Cirro Allaah uga beryey Marxuum Xasan Cawaale in uu godka u nuuriyo, kana waraabiyo naxariistiisii Janno Fardawsa. Ehelka, Qaraabada iyo Asxaabtana Samir iyo Iimaan ka siiyo.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.