Kulankii Madaxtooyada iyo Dib-u-dhiggii Doodda Musharrixiinta Madaxweynennimo ee Saddexda Xisbi

 

Hargeysa,(Aftahannews):- Musharrixiinta Madaxweynennimada ugu tartamaya Xisbiyada UCID, Kulmiye iyo Waddani, oo Dood adag oo Fool-ka-fool ahi ku dhex-mari lahayd caawa ahaan Kulan-doodeed loo qorsheeyey in lagu qabto Huteel Green Plaz ee magaalada Hargeysa, ayaa baaqatay, isla markaana dib loogu dhigay 19-ka bishan aynu ku jirno.

Faysal Cali Waraabe oo Jagada Madaxweyne uga sharraxan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Muuse Biixi Cabdi oo ah Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ah Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa doodda dhex-mari lahayd caawa ee u muddaysnayd  oo ay bishan Aktoobbar 18 noqonayso dib looga riixay xilligaas, isla markaana la sheegay in laga dhigay qabsoomiddeeda 19-ka isla bishan Aktoober.

Inkasta oo uu Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi oo iyagu doodda hawsheeda qayb ka mid ah waday, shalay sheegay inay caawa ahaan qabsoomi doonto dooddaasi, haddana Kulan xalay ka qabsoomay Madaxtooyada, ayaa qodobbo aan la isla waafaqin dartood la iskula qaatay in dib loogu dhigo 19-ka bishan, sida ay Wargeyska Ogaal u sheegeen ila-wareedyo goob-joog ka ahaa Kulankaa xalay Madaxtooyada ka qabsoomay oo abbaaro 11-kii habeennimo wakhti ku siman laga soo dareeray. Kulanka waxaa ka qaybgalay Qolyaha qabanayey Doodda ee Ururka TV-yada, Akaademiga iyo Ururro kale, Xukuumadda, Xisbiyada iyo Dad kale oo door ku leh hawsha socota, sida Wargeyska Ogaal xogta warkan ku helay xalay.

Doodda waxa si wada-jir ah u Daadihin doona Akademiga Nabada iyo Ururka ay ku midoobeen Telefeshinnada Somaliland ka hawlgalaa. Gudoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Maxamed Faarax Xirsi oo waraysi siiyay Eryal TV, waxaanu yidhi; “Dooddan waxa soo abaabulay Ururka ay ku midaysan yihiin Telefeshinnada madax-bannaan ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland ee la yidhaahdo SIMBA, oo ay runtii ku jiraan Rag Waayeel ah oo la wada garanayo oo Saxaafadda in badan ku jiray oo ixtiraam Bulshada ku dhex leh.”

“Iyaga doodda daadihinaya oo Raggaas Bahasha gacanta ku qabanaya, haddii aannu Akaademiyada nabadda iyo Horumarinta nahayna waannu taageeraynaa, oo dooddaasi dhawr iyo toban Talefeshan, ayaa si toos ah looga daawan doonaa markii ugu horraysay in dal dimuquraaddi ah Musharrixiintiisa Madaxweynuhu; si foolka-fool ah isu-waajihi doonaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed Faarax Xirsi.

Mar Guddoomiyaha Akaademiga wax laga weydiiyay cidda lagu casuumay Kulan-doodeedkaas Musharrixiinta Madaxweynaha ee saddexda Xisbi dhex-mari doona, waxa uu yidhi; “Dad badan baa la casuumay, Jaamacadaha waa la casuumay, Ururrada Bulshada waa la casuumay, Ganacsatada waa la casuumay, Xisbiyada waa la casuumay oo dad badan baa ka immanaya. Markaa Bulshada reer Somaliland intii aannu ka qaadan karaynay waannu ka qaadannay, su’aalo-na waa la weydiinaya.”

Guddoomiyaha Akadamiga oo mar kale wax laga weydiiyay suurta-gelinimada qabsoomidda doodda oo ah taariikhda markii ugu horraysay waxa uu yidhi; “Ururka ay ku midaysan yihiin Telefeeshinnada madax-bannaan ee ka hawl-gala Somaliland, ayaa hawsha ka hawl-galay ee Annagu (Akaademigu) waannu taageeraynaa.”