Duco iyo Dardaaran Dhaxal-gal ah oo Madaxweyne Siilaanyo u Jeediyey Komishanka, Xisbiyada, Ciidanka, Guurtida iyo Maxkamadda Sare

MADAXWEYNE SIILAANYO OO LA DARDAARMAY SADDEXDA XISBI MAXKAMADDA SARE CIIDAMMADA IYO AKAADEMIGA 2017

“Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waa waayo-arag, waxaanan ku amaanaya inuu aqbalay go’aamadii Guddida Doorashooyinka Qaranka ee natiijadii 2003-gii, 2005-kii iyo 2010-kii..” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa Kulan Casho ah la yeeshay Guddiga doorashooyinka, Musharrixiinta Saddexda Xisbi, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Taliyeyaasha Ciidammada, Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, waxaanu kulankaasi daaranaa hawlaha doorashada innagu soo foolka leh iyo sidii loogu hoggaansami lahaa Shuruucda iyo Qawaaniinta lagu hagayo doorashada Madaxtooyada.

MADAXWEYNE SIILAANYO OO LA DARDAARMAY SADDEXDA XISBI MAXKAMADDA SARE CIIDAMMADA IYO AKAADEMIGA 2017

Waxa uu Madaxweynuhu kulankaas Cashada ah ee uu Madaxtooyada ugu sameeyey Masuuliyiinta kala duwan ee Qaranka iyo Xisbiyada, ka jeediyey Hadal Dardaaran iyo Ducu, Waano iyo Tusaale, Talo iyo Tilmaan-ba isugu jiray oo uu kula hadlay dhammaan dhinacyada qaybta ka ahaa Kulankaas xalay Madaxtooyada ka qabsoomay.

Haddaba, War Qoraal ah oo ka soo baxay caawa Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, ayaa lagaga warbixiyey kulankaas waxa uu Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale kaga wadahadleen, waxaanu Qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Sida aynu la wada soconno, muddo bil ka yar ayaa inaga xigta, qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Sharaf wey bay ii tahay, in aynu xallinay duruufihii ku xeernaa geedi-socodka dimuqraadiyadda, iyo doorashooyinka dalkeena. Ugu horreyn, waxa waajib inagu ah, in aynu Allaheena weyn u mahad-naqno. 

Mar labaad waxaan jecelahay, in aan madashan ka bogaadiyo hawl-wadeenadii, aan u igmaday xilalka kala duwan, ee gacanta iga siiyey hogaamiye ahaan, dhammaystirka in ay dalkan ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo ay daruurteedu ina dul joogto. Si gaar ah, waxaan u hambalyeynayaa Guddida Doorashooyinka, iyo Madaxda Xisbiyada Qaranka,  dedaalkii ay muujiyeen, iyo doorkii ay ka qaateen hawlaha doorashooyinka.

Mudanayaal,  Doorashada aynu dhawaan u dareerayno idam Eebbe, waxay mustaqbalkeena ku leedahay saamayn weyn. Anigu Madaxweyne ahaan, markaan eego Baraaruga Bulshada, iyo Bisaylka Musharixiinta Baratamaysa, wax war-war ah ma qabo. Hase-yeeshee, waxaan jecelahay in aan dhammaan, halkan idiinka soo jeediyo, hadallo duco iyo dardaaran ah, taas oo ah, ujeedada aan idiin marti-qaaday caawa.

Doorashooyinku, ma aha wax inagu cusub, ee waxaynu u leenahay khibrad iyo waayo-aragnimo inagu filan. Sidaa darteed, waxa ummad ahaan, inala gudboon, in aynu xakamayno xamaasadda iyo xagtimaha loolanka dhexdeenu keeni karo.

Waxaan leeyahay, doorashooyinka laguma kala baxo, ama laguma kala badiyo, xanaaq, xiisad la kiciyo, iyo hadallo xajiin iyo xanaf leh. Balse, Duco-qabayaal, Doorashada waxa lagu kala helaa taageerada bulshada, iyo sida loo kala kasbado caqliga cod-bixiyaasha. Haddaba, waxaan lixda musharax ee u tartamaya hoggaanka dalka, u jeedinayaa dardaarankan kooban.

1)     Mudanayaal; Waa in aad dhawrtaan, Shuruucda iyo Xeerarka Nidaamka Doorashooyinka dalka. Sidoo kale, waxa waajib idinku ah, in aad u dhaga-nuglaataan, talooyinka, tilmaamaha iyo amarrada Guddida Doorashooyinka Qaranka, ee garsoorka idiin ah.

Duco-qabayaal, waxaan idin leeyahay; ‘LAFAHA GURA, XARAGANA HAKA TAGINA’.  2)     Sidoo kale, waxa idinla gudboon, in aad taageerayaashiina ku wacyi-gelisaan, in ay ilaaliyaan anshaxa iyo nidaamka doorashada, isla markaana ay ka fogaadaan cunfiga, iyo wax kasta oo nabadgelyo darro abuuri kara.

3)     Waa in aynu dhinac uga soo wada jeesanno, cid kasta oo abuuraysa xasilooni darro iyo xiisad colaadeed. Waxa waajib ku ah muwaadiniinta Somaliland iyo musharixiinta hortayda fadhiya, in ay gacan siiyaan ciidammada qaranka ee ku hawlan, adkaynta nabadgelyada iyo sugidda amniga qaranka.    

4)     Hore ayaa loo yidhi ‘GUULI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO’. Sidaa darteed, Kursigan aan ku fadhiyo, ma qaado laba iyo saddex nin toona, ee dalkan waxa Madaxweyne ka noqonaya Nin qudha. Sidoo kale, waxa ku-xigeen ka noqonaya hal Nin.

Mudanayaal, Waxaan hoggaanka dalka ku wareejin doonnaa, labada musharax ee doorashada sifo sharci ah ugu guulaysta, insha Allah. Sidaa darteed, saaxiibada loolamaya, waxaan leeyahay, marka ay soo baxdo natiijada doorashadu, waa in aad aqbashaan oo ogolaataan natiijada doorashada. Qarankani, wuxuu ku soo meel-maray, hab-dhaqan ku dhisan tudhaale, talo-wadaag, tawfiiq iyo isu-tanaasul.

Duco-qabayaal, Ma aha, guuldarada siyaasaddu, in doorashada lagaaga adkaado, balse waxa guul darro iyo garaad xumo ah, in aad ku gacan-saydho go’aanka Guddida Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare.

Waad xasuusan tihiin, in aan kaga tegay Kursi Madaxweynenimo  bishii April, 2003-gii Siddeetan Cod, oo muran ku jiray. Waxaan u tudhay shacbigayga iyo sharaftayda, kuma khasaarin, ee taasi waxay ii goysay, in aan isla Kursigii ku helo boqolkiiba konton codadkii codbixiyaasha dalka.

Waxaan bogaadinayaa Mudane, Daahir Riyaale Kaahin, Madaxweynihii Hore, ee aqbalay natiijadii doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay 2010-kii, ee hogaanka dalka la iigu doortay, isla markaana xilkii qaranka iigu wareejiyey si sharaf iyo qadarin leh.

Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane, Faysal Cali Wareebe, oo isna aqbalay natiijadii doorashada. Guddoomiye Faysal, waa waayo-arag, waxaanan ku amaanaya inuu aqbalay go’aamadii Guddida Doorashooyinka Qaranka ee natiijadii 2003-gii, 2005-kii iyo 2010-kii.

Mudanayaal,     

Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxaan kula dardaarmayaa; DEDAAL, DUL-QAAD IYO DAACADNIMO.

WAXAAN UGA DIGAYAA GAR WEECSAN, IYO GUDDOON JILICSAN, OO AH GEERIDA GUDDI DHEX-DHEXAAD AH IYO HAY’ADAHA GARSOORKA.

Waxaan idiinku ducaynayaa, in ilaahay idin garab galo, xilkana idinku asturo. Ugu dambayn, dhammaan ciidammada qaranka, waxaan ku bogaadinayaa, habeen iyo maalin heeganka ay ugu jiraan, difaaca iyo adkaynta Nabadgelyada dalkooda hooyo.

Taliyayaasha Ciidammada Qaranka, waxaan kula dardaarmayaa, in ay dedaalkooda laban laabaan xilligan, iyo in ay si buuxda ula shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka. Dhinaca kale, waxaan farayaa in ay gacan bir ah ku qabtaan, cid kasta oo isku dayda, in ay fawdo iyo fad-qalallo ka abuurto dalka. Ciidammada Qaranka, waxa ka reebban, in ay ku dhex milmaan ololaha doorashada, iyo Xisbiyada intaba.

Waxaan shacbiga Somaliland leeyahay, musharixiintu xaq idiin kuma laha, in ay idin dhex-dhigaan colaad iyo ciil-qab. Balse waxay xaq idiinku leeyihiin oo keliya, in ay idin weydiistaan caawimo iyo cod. Sidaa darteed, waxaan idiinku baaqayaa, in aad xil weyn iska saartaan, ilaalinta midnimada, wada-jirka, nabadgelyada iyo qaranimada dalka.

Guntii iyo gabe-gebadii, anigoo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan cambaareynayaa, falka argagixisada foosha xun, ee ka dhacay caasimadda dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, Qoysaskii iyo Qaraabadii, ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa, ee halkaa ku geeriyooday.

Galad Eebaa Leh, Guulna Somaliland baa Leh. Allaheen Tubta Toosan ha inagu hanuuniyo. Allaheen bash-bash iyo barwaaqo, baradeena haka yeelo. Allaheen boggeena iyo beerkeena, burcad ha isu-mariyo.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warka Qoraalka ah ee Madaxtooyada naga soo gaadhay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.