Murrashax Muuse Biixi oo Bulshada ugu Baaqay inay Nabadda iyo Wadajirka Muhiimad gaar ah Siiyaan Waqtiga Doorashada

MUSHARRAX MADAXWEYNAHA KULMIYE MUUSE BIIXI CABDI 2017

Waxa uu ka hadlay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho
Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qoto dheer u sharraxay qiimaha ay nabadda iyo wada-jirku u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeedaba, waxaannu ku baaqay in xil gaar ah la iska saaro ilaalinta nabadgelyada wakhtiyada lagu jiro ololaha siyaasadeed ee dalka ku soo foolka leh.

MUSHARRAX MADAXWEYNAHA KULMIYE MUUSE BIIXI CABDI 2017

Sidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo caawa ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabbilsan Xisbiga Kulmiye, kaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu isagoo dhammaystiran u dhignaa sidatan:- “Murrashax Muuse Biixi oo ka hadlay madal uu xisbiga KULMIYE ku soo dhaweynayey dhallinyaro iyo aqoonyahan xisbiga ku soo biiray maanta, ayaa tilmaamay inay KULMIYE ahaan ka go’an tahay in doorashada iyo ololaheedaba lagu galo jawi nabdoon oo aan dhibaato u geysanayn wadajirka iyo isku duubnimada bulshada walaalaha ah, isagoo arrintaas ka hadlayana uu yidhi, “Haddii aynu xisbiga KULMIYE nahay doorashadii kaabigay ina soo saartay oo ololihii baa la gelayaa, dadka qaarkiina ololaha waxay u haystaan in la is caayo oo la isku buuqo, laakiin KULMIYE ahaan waxaasi way innaga reebbanyihiin, codbixintana marka hore waxa aynu ku gelaynaa nabad, mar labaadka waxa aynu ku gelaynaa nabad, qiimaha ay nabaddu leedahayna ninkii xumaanta iyo dagaalka arkay baa leh, dhallinyarada yaryar ee 20-jirka iyo 30-jira ahina maanta ma garanayaan qiimaha ay nabaddu leedahay iyo culayska iyo dhibaatada dagaalka iyo khilaafku leeyahay, innagana maanta gobolka aynu ku noolahay ee hareeraheena ah dab baa ka kacaya, dhammaanba cod-bixiyayaasha KULMIYE waxaan ku dardaarayaa inay nabadda kow ka dhigtaan.”
Md. Muuse Biixi waxa isagoo hadalkiisa sii wata uu ka digay in xaraaradda ololuhu gaadho heer bulshadu lumiso feejignaanta, isla markaana ay ka faa’iidaystaan dadka qaska jeceli, “Maanta ololaha aynu ku jirno yaanay belaayo innoogu soo dhuumman, khilaafkana aynu ka fogaanno, nabadgelyona aynu ku codayno haddii kale qaran dhisimayno, si aynu nabadda u ilaalinona qof kasta oo Somaliland ah waxa ku waajib ah inay dhegahiisa iyo indhihiisuba u feejignaadaan qofkii belaayo wada ee shar wada, qof walibana waa inuu noqdaa ciidanka wardoonka ah oo waxa uu ka shakiyo soo ogaadaa oo uu noqdaa Boolis nabadda ilaaliya,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.
Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay inay xisbiga KULMIYE muhiimad gaar ah u leedahay codaynta oo nabadgelyo loo galo, isla markaana danta dalka iyo ta dadkuba ku jiraan in amniga si wadajir ah looga wada shaqeeyo, waxaannu yidhi, “Doorashada waxa aynu ku gelaynaa nabad, mabda’ isjacayl, xisbiyada aynu tartamaynaana waa Somaliland, innaguna waa qaddarinaynaa, haddii ay ina caayaana u jawaabi mayno oo waynu u dulqaadanaynaa, waayo ka dulqaata ayuun baa wax hela, anigana maanta nabad in lagu codeeyo uun baa ii muhiim ah, KULMIYE-na nabad, wanaag iyo walaaltinimo in lagu codeeyo ayuu doonayaa.”
Waxa kaloo uu Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE ka hadlay weerarkii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta u ah dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka halkaasi ku nafwaayey, isla markaana waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ka bartaan cashar ku saabsan qiimaha nabadgelyo darradu leedahay, “Maanta waad la socotaan jaarkeena waxa ka dhacaya, magaalada Muqdisho saddex boqol oo qof (300) baa mar qudha ku dhintay, saddex  boqol (300) oo kalena waa dhaawac, kuwaas oo waayeel, carruur, dumar leh sheekh iyo shariif ba leh, waana masiibo weyn oo ummaddaas ku dhacday aad iyo aad baanu uga tacsiyadeynaynaa waanuna ka damqanaynaa dhibaatada qof kasta oo Islaam ah ku dhacday, haddii aynu KULMIYE nahay waxa aynu doonaynaa in Bani’aadka oo dhammi nabad helo oo Muslimku nabad helo, Ilaahay waxaynu ka rajaynaynaa inuu iyagana ka dulqaado geyiga oo dhanna nabad ku soo celiyo, innagana tusaale ayey inoogu filan tahaye waa inaynu khilaafka oo dhan ka fogaannaa,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkan Qoraalka ah ee Kulmiye naga soo gaadhay Caawa.
Muuqaalkan hoose ka Daawo Khudbadda Musharrax Muuse Biixi Cabdi oo Dhammaystiran:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.