Maxay Ka Dhigan Tahay Is-Casilaadda Masuuliyiintii Difaaca Federaalka Soomaaliya? Warbixin

WASIIRKII GAASHAANDHIGGA FEDERAALKA IYO TALIYIHII CIIDANKA MILLATERIGA SOOMAALIYA OO IS-CASILAY OCTOBER 2017

Waxaa markaliya xilka ka wada tegay si lama filaan ah Wasiirkii Gashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdillaahi Maxamed iyo Taliyihii Ciidammadda Xoogga dalk Soomaaliya Jeneraal Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid), kuwaasoo labadooduba is-casilay Khamiistii shalay.

WASIIRKII GAASHAANDHIGGA FEDERAALKA IYO TALIYIHII CIIDANKA MILLATERIGA SOOMAALIYA OO IS-CASILAY OCTOBER 2017

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Taliyaha cusub u magacaabay Jeneraal Cabdi Jaamac Warsame (Gorod). Hase-yeeshee, Lama oga sababaha rasmiga ah ee keenay in ay xilka ka tagaan, hase yeeshee sida ay faafisay Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA, Wasiir Cabdirishiid, ayaa isu casilay sababo Shaqsiyadeed, Golaha Wasiirraduna way ka aqbaleen.

Jenneraal Maxamed Guubir oo ah Xeel-dheere Xagga Ciidammada ah oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo arrintan Falanqayn dheer ka samaysay, ayaa yidhi; “Kolley sida nidaamka dawliga ah uu qabo, iscasilaadda wax sahlan ma aha, waa arrin laga yaabo in laga soo wadahadlay, Miiska dhawr jeer lasoo saaray, laga Taliyay, mana ahayn arrin ku soo bood ah.”

Ciidammada Xoogga dalka;                                                  

Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xoogga saartay arrimaha dib u dhiska ciidammadda tan iyo intii xilka loo doortay bishii feberaayo ee sannadkan. Labadan mas’uul ee iscasilay, ayaana gundhig u ahaa siyaasadda dib-u-dhiska Ciidammada iyo hawlgallada qeybo ka mid ah dalka looga saarayo Ururka Al-Shabaab.

Balse, Jeneraal Guubir wuxuu qabaa in waqti xun ay kusoo aadday iscasilaadda; “Waa arrin laga xumaado, waqti munaasab ahna aanan kuso aadin, kolley loo jiifan maayo, Ciidanka sidaas uu heegan u ahaan, wax kala daadasho oo ay ku keenayso ma jirayso.”

Qorshaha dib-u-dhiska Ciidammada waxaa ka mid ahaa qorshe lagu soo saxiixay Shirkii bishii May lagu qabtay London, kaas oo lagu ansixiyay in Ciidammo gaadhaya 18,000 la dhiso, kuwaas oo min 3,000 laga kala keeno dawlad-goboleedyada. Waxaa kale oo ka mid ah in dib-u-habeyn lagu sameeyo Talisyada kala duwan ee Ciidammada.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka tirsan Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan magaalada Seattle ee dalka Maraykanka kula hadlay Jaaliyadda Soomaalida ee halkaas ku dhaqan, ayaa sheegay in laga hadlayo dib-u-habeynta Taliska Ciidammada xoogga dalka sidii loo waafajin lahaa joqoraafi ahaan, sida ay u samaysanyihiin dawlad-goboleedyada.

“Tusaale ahaan Taliska 60-aad oo Baydhabo ah waxa hoos iman jiray gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, hadda Gedo waxa ay ka tirsantahay Jubbaland, Shabeelaha Hoosena (oo Talis kale ka tirsan) waxa ay ka tirsantahay Koonfur Galbeed, halkaas waxay u baahan tahay in dib Talisyadii loo qeexo.” ayuu yidhi Xildhibaan Saadiq.

War-Saxaafadeedkii dhawaan laga soo saaray Shirkii Maamul-goboleedyada ee Kismaayo lagu soo gebogabeeyey Khamiistii, waxa ku jiray qobobbo kala duwan, waxaana ka mid ahaa kuwan hoos-ku-xusan; “Wuxuu Goluhu isla qiray in uu jiro habacsaan iyo hoos u dhac sii kordhaya oo ku yimid arrimaha amniga, taas oo ay ugu wacantahay sida Ciidanka Difaaca Qaranka u qaabaysanyahay aanay ahayn mid dhiirri-gelinaysa in si wada-jir ah loo wada hawl-geliyo Ciidanka Qaranka ee dawlad-goboleedyada ku sugan, maaddaama oo ay kala hoos-tagaan Maamullo kala duwan, iyagoo hal dawlad-goboleed wada jooga.

Sidaa darteed, wuxuu Goluhu dalbanayaa in la dardar-geliyo fulinta heshiiskii amniga Qaranka ee qeexaya in qeybaha Ciidammada lagu saleeyo Xuduudaha dawlad-goboleedyada; si hawlgallada Ciidanka ee ku aaddan sugidda Amniga uu u noqdo mid midho-dhal ah.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qodobbada dhimaca Amniga iyo Ciidammada khuseeya ee War-Saxaafadeedkaas Maamul-goboleedyada Soomaaliya soo saareen ku xusnaa.

Hase-yeeshee, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa Guddi u saaray in Ciidammada Xoogga dalka laga Uruuriyo Shacabka yabooh Lacageed ama dhaqaale, waxaana Guddigaas xubno ka ah Culimo iyo Saraakiil Ciidan oo hore.

Ra’isul-wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeediyay Xaflad lacag loogu uruurinayay Millateriga, ayaa sheegay in marka uu sannadkan 2017-ka dhamaaado, ay dowladdu bixin doonto dhammaan Mushaaraadka lagu leeyahay.

Iyada oo ay taasi jirto, ayaa waxaa sidoo kale bilihii lasoo dhaafay dhacay weerarro Al-Shabaab ay ku qaadday Xeryaha Ciidammadda Millateriga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanno kala duwan, oo uu ka mid yahay Saldhig ku yaalla deegaanka Bariire ee Shabeellaha Hoose.

Waxa intaasi dheeraa, isku dhacyo dhexmaray Ciidammada Xoogga dalka iyo Kuwa Nabad-sugidda, kuwaas oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Iscasilaadda Mas’uulinyiinta, gaar ahaan Taliyaha Millateriga iyo Wasiirka Gaashaandhiggu waxay imanaysaa ayadoo dhawaan, dawladda Federaalka iyo Qaramada Midoobey ay Muqdisho ku kala Saxeexdeen qorshe dib loogu bilaabayo hawlgalladii dagaalka ee Al-Shabaab ka dhanka ahaa, waxaana hawlgalka qeyb ka noqon doona Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM ka jooga Soomaaliya.

Janaraal Guubir, ayaa qaba, in isbeddelka hoggaanka Ciidanku u baahanyahay ka fiirsasho, waxaanu yidhi; “Isbeddelka Ciidanka laguma degdego, beddelista Taliyeyaasha Ciidammadu waxay u baahantahay ka fiirsasho. Laakiin, haddii ay timid waxaan u malaynayaa in ay tahay wax lagama maarmaan ah.”

Lama oga waxa laga maarmi waayay ee ay xilka uga tageen labadan Mas’uul, Taliye Cirfiid, waxaa xilka loo magacaabay bishii April ee sannadkan, waxaanu xilka hayay muddo 6 bilood ah oo keliya. Sidoo kale, Wasiir Cabdirishiid, ayaa Liiska Golaha Wasiirrada kusoo baxay bishii Maarso markii Ra’isul-wasaare Kheyre soo dhisay Xukuumaddiisa.

Markii ugu horreysay ee labadan Mas’uul ay hadallo is khilaafsan, si kala duwan Saxaafadda u siiyeen waxay ahayd markii uu dhacay weerarkii deegaanka Bariire ee Toban Qof oo Shacabka Deegaankaas ku dhaqan ka tirsan Ciidammada dawladdu ku laayeen Bariire, kaas oo dhacay laba bilood ka hor. Waxaanu markaa Wasiirkii Gaashaandhiggu Cabdirishiid, sheegay in Dadka la laayay ay ahaayeen Al-Shabaab, halka Taliye Cirfiid uu sheegay in Dadka la laayay ay ahaayeen Shacab.

Dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa markii dambe sheegtay in ay magdhow siisay Ehellada Dadkii Bariire lagu laayay, ka dib maalmo markii Dadkii Ehelkooda ahaa ay diideen in Meydadka la aaso, iyaga oo dalbanayey in la caddeeyo sababta Dadkaas oo Beeralay ahaa oo aan Dembi ay galeen jirin Ciidanka Dawladdu u laayeen, Wasiirka Gaashaandhigguna si badheedh ah Al-Shabaab ugu tilmaamay.

Si kastaba ha noqotee, Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyihii Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya waxaa loo arkay in ay muhiim u ahaayeen isbeddelka lagu sameynayo Millateriga Soomaaliya; si ay Amniga dalka ula wareegaan marka ay AMISOM billaabaan in ay dalka ka baxaaan dhammaadka sannadkan 2017-ka oo laba bilood iyo badh qudhi ka hadheen-ba.

“Mas’uuliyiinta cusub ee xilkii ay banneeyeen buuxinaya ayay tahay in si cusub ula jaanqaadaan hawlaha socda, halkiina kasii wadaan qorshayaashii jiray.” Sidaa waxa yidhi Jannaraal Guubir oo BBC-da falanqayntan ay samaysay kala qayb-qaatay Maanta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.