Xildhibaan Nac-nac Oo Ka Shiraaqday Xisbiga Kulmiye Kuna Biiray Xisbiga Waddani

Hargeysa(Aftahannews) Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada isla markaana ahaa tiir dhexaadka xisbiga Kulmiye ilaa markii la aas aasay waxaa uu maanta si rasmi ah u shaaciyey in gabi ahaanba uu xisbigaasi macaa salaameeyey.
Xildhibaan oo qaar ka mid ah warbaahinta kula Hadley wadada Baligubadle waxaa uu faah faahiyey sababta uu Kulmiye iskaga tagay , waxaana uu carabka ku dhuftey In musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi uu kula coloobey waxaad saxiib la tahay madaxweyne Siilaanyo.