Murashaxa Xisbiga Waddani Oo Kulan La Yeeshay Ra’isal Wasaraha Ethiopia Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

Addis.Ababa,(Aftahannews)-Weftigii Murashax xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa kulan ay ku wehelinayeen Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Xoghayaha Murashaxa Baashe Yuusuf Axmed, ayaa Xafiiskiiska Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn kulan kula qaatay.

Kulankaasi oo saacado qaatay qodobadii ay kaga wadahadleen labada dhinac waxa ugu muhiimsanaa;-

Sii xoojinta iyo kor u qaadka xidhiidhka labada Waddan ee Somaliland iyo Itoobiya.

Sii xoojinta iyo fududuaynta isku socodka Ganacsiga labada dal.

Sidii labada dal ay u sii adkayn lahaayeen amaanka iyo nabadgalyada.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warka