Murrashax Cirro Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Ambabaxay Dalka Itoobiya Iyo Ujeedada Socdaalkooda+Sawiro

Hargeysa(Aftahannews)-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI ayaa galabta ka dhoofay Madaarka Hargeysa ka dib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn.

Murashax Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa socdaalkiisan maanta uu ugu baxay Itoobiya ku wehelinaya hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, Pro.Maxamed Alla-bari oo ka mid ah hoggaanka sare ee WADDANI, Xoghayaha arrimaha dibadda WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal iyo sidoo kale madaxa hawl-wadeenada ee Murashaxa WADDANI Aqoonyahan Baashe.

Weftigu, waxa ay socdaal dhowr maalmood ah ugu maqnaan doonaan dalka Itoobiya iyaga oo kulamo la qaadan doona raysal wasaaraha dalkaasi iyo madaxda kala duwan,waxaana ay ka wada hadli doonaan arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo waliba arrimo la taxaluqa doorashooyinka Soo socda ee Somaliland.

Safarkan uu maanta murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDAQNI ugu baxay Itoobiya ayaa salka ku haya marti qaad rasmi ah oo ay dawlada Itoobiya u fidisay murrashaxiinta xisbiyada Qaranka.