Xabsiga dhexdiisuu Ka Maamulayaa Doorashada Dalka! Waa Maxayse Sababtu?

Charles Taylor

Liberia(Aftahannews):- Dadku waa kuwo weli xiiso weyn u qaba Madaxweynahoodii hore, waxaanay rejaynayaan in maruun uu u soo laaban doono. Waxay rejadani soo iftay Xilli reer Liberia ay u dareerayaan doorashada Madaxtinnimo ee dalkaas oo lagu wado inay qabsoonto tobanka bishan Aktoober ee aynu ku jirno.

Charles Taylor

Hase-yeeshee, waxaa dib u soo laabtay saamaynta siyaasadda Taylor oo ahaa Madaxweynihii hore ee Liberia, balse wakhtigan ku jira Xabsi uu sannado kooban ka qaatay oo wakhtigiisu dhan yahay konton sano, ka dib markii uu George Weah oo ka mid ah Musharrixiinta u tartamaya Jagada Madaxweynaha dalka Liberia, uu madaxweyne ku-xigeenkiisa u xushay Xaaskii hore ee Charles Taylor oo lagu magacaabo Jewel Howard Taylor.

XAASKII HORE EE Charles Taylor IYO MUSHARRAXA KU-XIGEENKA U XUSHAY 2017

George Weah oo hore loogu yaqiinnay in uu Mucaarad ku ahaa Taylor, ayaa hadda la is weeydiinayaa waxa uu damacsanyahay. Isbahaysi ay samaysteen Xisbiga Weah ee CDC iyo kan Taylor ee NPP, ayaa la shaaciyay kadib markii uu taleefoon xabsiga kasoo dhex direy Taylor la dhagaysiiyay dad taageerayaashiisa ah oo isugu soo baxay in ay dhigaan xafladiisa xuska dhalashadiisa.

Rodney Sieh oo ah Tifaftiraha wargeyska Front Page Afrikaa oo daabacay macluumaadka wicitaanka Taleefoonka Taylor, ayaa sheegay in Taylor uu fahamsanaa in uu la hadlayay dad badan, sida ka muuqatay farriintiisa oo Dadka uu ugu sheegay in ay Xisbigaas Isbahaysiga ah taageeraan, sida ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu Warbixintan ka soo xigannay.

Charles Taylor MARKUU HOGGAAMIYAHA JABHADDA AHAA

Xaaskiisii hore Mrs Howard ayaan qarinaynay xidhiidhka ay weli la leedahay Taylor, waxaanay warfidiyeennada u sheegtay in Liberia ay u baahantahay in lagu celiyo dhabbihii uu hore u jeexay Taylor markii uu Madaxweynaha ahaa.

George Weah ayaa laftiisa qirtay in uu taleefoonka kula hadlay Taylor, balse wuxuu beeniyay in Taylor yahay kan u kala wada ololaha doorashada. Wuxuuse difaacay xulashada Mrs Howard, oo uu ku tilmaamay in ay ahayd Hooyadii Qaranka Liberia, Dadkuna jecelyihiin.

Markii laga warheley wicitaanka Taylor ee Xabsiga dhexdiisa, Aqalka Congress-ka Maraykanka, ayaa meelmariyay qaraar lagu cambaareynayo wax kasta oo farogelin dibedda ah oo lagu sameeyo doorashada Liberia.

Ergada Midoowga Yurub ee Liberia ku sugan, ayaa iyaguna sheegay in Charles Taylor uu qaadanayo 50 sano oo Xabsi ah, isla markaasna aanu ku laaban doonin Liberia. Balse, Taylor ayaa hore u sheegay in uu Liberia ku laaban doono maruun.

Mr. Sieh ayaa BBC-da u sheegay in Mr Weah ay agtiisa joogaan dad badan oo horey ula talin jirey Taylor “Waxaa laga yaabaa in uu shaqsi ahaan isaga halkan joogin, balse waa uu saamayn karaa, haddii dadkan xilka loo doorto.” ayuu yidhi.

Musharaxa la loolamaya Weah iyo Howard ayaa ah nin 73 jir ah oo lagu magacaabo Joseph Boakai oo madaxweyne ku xigeen kasoo ahaa dalkaas 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxa uu Mmadaxweyne ku xigeen usoo ahaa Ellen Johnson Sirleaf oo ahayd haweenaydii koowaad oo Afrika noqota madaxweyne, balse waxaa jira warar suuqa ku jira oo sheegaya in ay isku dhacsanyihiin. Mar uu BBC-da la hadlay ayuu sheegay in Liberia ay u baahantahay isbadal dhab ah.

Illaa 20 Musharrax ayaa u tartamaya xilka Madaxtinnimada dalka Liberia, waxaana ka mid ah Nin hore Maareeye uga ahaa Shirkadda Coca Cola oo lagu magacaabo Alexander Cummings.

Musharraxa guusha ay raacayso waxa uu u baahanyahay wax ka badan boqolkiiba 50% codadka la dhiibto, waxaana la saadaalaaniyaa in wareeg labaad la’isla aadi doono. Qodobka ugu muhiimsan ee reer Liberia ay ka fikirayaan ayaa ah nabad iyo xasillooni.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.