Somaliland: Anigaa is Duqeeyay! Qormo Xiiso badan – Qalinka Muuse Jaambiir

Filed under: Aragtida Bulshada,Qalinka Qoraaga,Qubanaha |

Masrixi aad loo jeclaa buu ahaa. Markuu hortooda yimaado daawadayaasha firixdaa ka dhamaan jirtay. Jillaa hibadiisu saraysay oo hadba wuxuu metelayo u eg buu ahaa. Sidii looga bartay buu habeenkaa kaalintiisa u buuxiyay. Wuxuu metelayay nin qurba joog ah. Wuu soo degay, magaaladduu soo galay, tooyasho iyo hoy dayday buu bilaabay. Hillaad iy masanuunis kama madhnayn muraadkiisa.

SUXUFIGA MUUSE FAARAX JAAMBIIR 2017

Wuxuu bendarkii dhex mushaaxaba bidhaan buu meel ka halacsaday. Degdeg buu dhankeedii ugu weecday, sarajoogii indhihiisa soo jiitay buu jaaheedda waajahay. Waa Qalanjo gurigoodii hor taagan, isla faqaysa, nafteedda la xanshashaqaysa, arrimo khaas ah hoos isaga warsanaysa. Arbihii markuu isa soo taagayba barriidduu ku dhag ku siiyay. Qajilaad waynaa, horray u maqli wayday, xaggiisaba may soo jaleecin.

Markuu arkay in aanay uba jeedin buu kor u qayliyay, ‘Inantaay, Inantaay…Walaal bal waran’ Qalanjadii intay soo jeesatay bay ku tidhi; “Waar kaagan qaylinayaa maxaad ahayd, bal warran….maxaannu ka warranaa?” Dhirbaaxaa ku dhacday, laakiin Iyaduu ku maqanyoo nin intaasi joojinayso maaha. Dhoolacadayn iyo weji furran buu kaga hadal celiyay odhaahdeedii Kuye;  “Walaal magacaygu waa Arbe, Nin immika soo degay oo qurbaha ka yimi baan ahay, magaaladana ma kala garanayo ee Huteel ma ii tilmaami kartaa? Isdhiska, isbuunbuuninta iyo isxood xoodka waafi iska yeelyeelka ah ee Ninkaa ruuxdiisu gibilka ku ladhayso waad yaabtaa. Kalluun iyo Shabag is helay sidiisii, ayaa Qalanjadii iyana dhankeeda u kala qubatay. Mar alla markay maqashay dibeddaan ka imi bay xiiso bururtay oo kasbasho suuraheedu sarreeyo kaga raalli-gelisay karooxii hore Kute; “Inaadeer raalli-iga ahow, ilaaq doon baan ku mooddayee, xageed ka timi? Isqalqaloocinta, ilmaroorinta, cidhibsiga dherer kaabista ah siduu isleeyahay waad fajacaysaa.! “Igiskiyuus mii, sorry,  macal asaf, Bintu Jamiila, jogos, wax nool, Hani, Baybi, amore….Annaa wallaa axabak..” Ninkaasi wuxuu Af-Carabi iyo Ingiriisi jajaban uu Soomaaliga ku ladhayo ee uu ilbaxnimada uga dhigayo Inantaa ashqaraar baa ku dillaya.

Farahaa ka soo horreeya oo intaa xaggeeduu u soo siqayaa kuye; “Walaal, Lubnaan baan ka imi” Intaa Kumuu gaabsanne su’aal buu u celiyay, Suuye; “Walaal ma taqaannaa Hebel Hebel Gurigooda, waa Nin aannu Saaxiib nahay  oo aannu xaggaa wada degganayn oo Reerkoodu halkan deggan yahaye?” Sayte Qalanjadii; “Alla oo Hebel miyaa istaqaanaan?” Suuye; “Haaye….ma wax baa isu tihiin?” Sayte; “Haa…Waa Abtigay, Guriguna waa kan aad joogto, markaa Rarka iska dhig waxba Huteel ha tegin qollal badan baa iska bannaane, Hooyo-na way soo socotaa oo markay timaaddo Anigaa kuu sheegaya, markaa soo dhawoow oo naso.” Meel aan rabay Roob ma igu eryay? Waa siduu rabay, Indhihiisuba iyaday ku maqan yihiinne xagguu tagaa? Markiiba farxad buu la kala jeestay, ka dibna Ammaan buu qac ka siiyay, iyana qosol, dhoollacadayn iyo indho-rogasho qumaati eegga ka laabanaya ayay xummaddiisa ku sii xadantaysay.

Isma hayn karo oo Xaaji degdeg buu ahaa, Kuye; “Walaal maad i jeclaan?” Sayte; “Alla yaa?…. Maya.. Maya… Ciyaalla Iskuul baan ahay.” Suuye; “Daba-ka-werwer baa ku haya… Iskuulka maxaad ka baranaysaa? Mar haddaad Lacag hesho Aqoon uma baahnid, taana Anigaa kuu haya, markaa Indeer i jeclow.” Kalamuu hadhinne hummaagyuu u sawiray, Cirka iyo Dhulkaba Malab uu gacanta ku hayuu uga dhigay, Iyana mabay sii adkaanne way soo debecday, dhalanteedkii baa laysla qaatay. Iyadu waa Col-moog Gurigoodii joogta oo aan saymaha nolosha waxba kala socon. Indho Sarcaadkiisiiba kamay soo hadhin, haye dii ay tidhiba Muhashaa xigtay. Wejigay ka yara dadabtay, Isna looma kaadinne gacantuu fidiyey oo inuu garabka ka saaro doonay. Dhererkay ku dishoo wuu ka gaabnaa, goor uu cidhibsaday oo gacantiisii garabkeeda dul joogto ayay kedis jalleecada dhankiisa u soo duday, naxdintii buu Isna sidii Nin lugaha isku martay istabceeyay, faruhuu cuskaday oo dhulkuun baanu ku dhicine mar buu lafta dheer ka kala duuli gaadhay. Kute Qalanjaddii; “ Bisinka Walaal maxaa kugu dhacay?” Suuye; “Waxba Walaal, Aniguun baa isduqeeyey!” Sayte; “KKKK! Dee walaal hays duqaynin.” Suuye; “Waayahee aan magaabinno Caashaqa…”

Goor laysu dhaadhacay oo sida duqaynta dambe u dhacayso baaqeeda laga ballamay, ayaa Islaantiina timi. Iscarruureeyaa la yidhaa, Cimrigeed ma noola, misana intay dhejis soo xidhato ayey Muraayadda sidaa u hortaagan tahay. Wiil iyo Gabdh bay dhashoo, Wiilkii way eriday. Qalanjo, Hooyadeed iyo Arbay isbartay, Walaalkeed buu uga sheekeeyay, way sii kala badatay. Durba gol-jilicdeedii buu ogaaday, Xisaab badan inay haysona Inantaa u sii sheegtay. “Tolow marley Dumar mid Adoo kale ihi ma ku nooshahay kawnkan? Ammaan buu dhan walba ugu dhigay, Jacayl buu ku halgaaday, Iscarruureeyi waxay isu carruuraynaysay bay heshay, Qof kalay isu qaadatayba kute; “kKKKK…Aniga laftaydu sidaa uma wayniye 25 baan ahaye soo dhawoow….” …. Wayshii iyo Saciiba wuu isu barkiyay, waxay haysayna wuu ka furtay, sharci-darraa burburisay Qoyskii. Goor dambe oo Xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen ayaa maxsuulkii sharci-dhaafku hortooda yimi. Kute Iscarruureeyi; “Hoogay…Hoogay….Naa hoogto maxaa kugu dhacay ma kaneecaa ku cuntay? Sayte Inantii; “Maya Hooyo, Isagaa u duqeeyay..!” Kolba gees bay u roortay, Isagii bay kalladhka ku dhegtay kutee; “Waaryaahe, ma adigaa duqeeyay, maxaad sidan noogu gashay? Kuyee; “Inanta Anigaa duqeeyay, Adigana iimaan la’aan baa ku duqaysay, Anigana gaabsi baa i duqeeyay…..! Ma Anigaa bilaa ammaan idinka dhigay? Idinkaa iska dhigaye, ha idinku taagnaato…!” Markay dibedda u tuurtay Inankay dhashay ee Masuulka Guriga ahaa bay jabtaye ma hadday jabtay…………..?

Tafsiirka Hummaagga:

Hummaaga Masrixiyaddani wuu cad yahay. Wuxuu ka turjumayaa Qoys garab maray hannaankii Sharci ee noloshiisu xalaasha ku ahayd, isla markaana wuxuu tusmaynayaa godka uu ku dhici karo Aadame kasta oo iska noole aan Xeer ku noolayn sidiisa u dhaqmaa. Waxa kale oo tilmaamayaa Waayeel ku jawr-falay dhaqankii Gurigeeda, oo aqbashay Xaaraan Albaabka Aqalkeeda soo garaacday. Dadku waa Abuur karaamaysan oo Alle noloshooda sal uga dhigay Manhaj Adduunyo iyo Aakhiroba u tusmaynaya dariiqa ay u marayaan. Kaa ku noollow ama dheegasho kaleba ku noollow, noloshu waa xeer, mana jiro, Qqoys, Qoom ama Qaran xeer la’aan ama sharci la’aan iska nooli.

Haatan Somaliland basaasta ugu wayn ee haysa waxa loo arkaa sharcigii oo la quudhsaday, sarrayntiisiina la muquuniyay oo hooseeye laga dhigay. Heerka maanta uu taagan yahay na waxa tusaale u ah  musuqa ku xoolaysiga xilka oo gaadhay heer laysugu faano oo cabsi la’aan loogu xarragoodo. Taasina waxay sababtay aammin-bax Bulsho iyo in wax kastaba looga shakiyo musuq, sida doorashada soo socota oo nusqaanta keliya ee looga baqayaa tahay wax is-daba-marin. Saadsan mayno taas, balse waa in laga digtoonaado, waayo? Anigaa is-duqeeyay  Somaliland doojin mayso.!  

Qalinka Muuse Faarax Jaambiir

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

Share Button

You must be logged in to post a comment Login