Manchester City oo Maaliyad Badan Dul-dhigtay Hanashadda Lionel Messi

Lionel Messi’.jpg

Aftahannews(Sports):- Kooxda Kubbadda Cagta Manchester City, ayaa la sheegayaa in ay wado qorshe ay kula soo Wareegayaan ciyaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi’ kaas oo ay u diyaarinyeen lacagtii ugu badanayd ee abid lagu soo qaato ciyaaryahan.

Lionel Messi’.jpg

 

Manchester City ayaa diyaarisay adduun lacageed gaadhaya €300million oo u dhiganta (£275million) in ay ku soo qaataan ciyaaryahanka dalka Argentina ee Lionel Messi’kaas oo la sheegay in aannu ku qanacsan kooxdiisa tan iyo markii ay iibiyeen Neymar oo ku biiray PSG.

Lionel Messi’oo ah ciyaaryahan si weyn ay u ixtiraamaan Taageerayaasha Barcelona ayaa maamulka Manchester City waxa ay u huri doonaan lacagtii ugu badanayd ee Ciyaaryaahn lagu qaato waxaana la aaminay in xiddig kasta la iibsan karo lana bixin karayo lacag kasta markii Neymar lagu qaatay 222 Milyan oo lacagta yurub ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.