Mudaneyaal: Ma u Doodnaa Deyrka Dugsigii aynu Duruusta Ka Durduurannay? W/Q: Siciid M. Gahayr

GOLAHA DEEGAANKA HARGEYSA HOGGAANKOODA IYO XUBNO KA TIRSAN

Markii la dhammeeyay kaalmihii shidaalka, dhulkii haayadaha caalamiga ah, sariibadihii ganacsiga, dantii guud ee laga jari jiray beeraha la qorsheeyo iyo bar kasta oo ummaddu wada lahayd ayaa maanta loo hanqal-taagayaa dugsiyadii illaa awowyadu ka soo af-laxeen. Hungurigan indhaha-li’i waa dhunkaal aan dhuunta mari doonin, xitaa haddii dhiiggayagu ku daadanayana waanu ka dhiidhiyaynnaa. Ma dhici karto! 

GOLAHA DEEGAANKA HARGEYSA HOGGAANKOODA IYO XUBNO KA TIRSAN

Waa ayaan-darro weyn in aan shalay indhaha saaray dhismeyaal loo qorsheeyay in laga taago barxadda dugsiga Sheekh Cali Cismaan (Riis) kuwaas oo dabada la gelaya deyrka dugsiga. Aqalkani waxa uu hakad gelinayaa socodka gaadiidka, sidoo kale waxa uu bara-bixinayaa gaadiidka u baxa Bariga iyo Hawdka ee ka rakaabsada jiiddan. Markii ay bulshadu ku kacday ayaa si ku-meel-gaadh ah loo joojiyay, laakiin baajintani waa xummad-jebin waana digo la huwiyay dambas oo amintii kastaba beleli karta.
 
Waayadii aan ardayga ka ahaa Riis waxa laba fasal iga sarreeyay Ku-xigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo ka qalin-jebiyay 1999kii, markaas oo uu u wareegay Maxamuud Axmed Cali. Ardaydii aanu isku fasalka ahayn waxa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Deegaanka Hargeysa. Markii dambena waxa aanu Xildhibaan Yoon wada galnay dugsiga sare ee Gacan-libaax, isagoo Jaamacaddiisa ka sii ambaqaaday Alpha oo Hargeysa. Sidoo kale waxa suurtagal ah in ay iskuulkan wax ka barteen qaar kale oo ka mid ah Xerta loo doortay Golaha Deegaanka Hargeysa. Dhambaalkani waxa uu xujo ku yahay jaalleyaasha aan kor ku xusay.

Maan-koriye qoreyaal11

Ardaydu waa ay taageeraan xarumaha ay wax ku bartaan. Tusaale ahaan, Macallin Cabdillaahi Muuse Qaalib waxa dugsi u dhisay ardaydiisii.. Ardaydii ka baxday Jaamacadda Havard waxa ay madal-aqooneedkaas ugu deeqeen soddon milyan oo doollar dhawrkii gu’ ee u dambeeyay? Haddii ayannaan waxtar gaadhsiin karin, ma ka deynnaa waxyeellada? Ma la yaabteen in nin masuul ahi uu hungureeyo ama difaaci waayo dhulka dugisgiisii uu dhallaannimada wax ku bartay?. Ha yaabina waxa jira heer la gaadho oo qofka qiyamka toosani ka lumo, miyaydaan arkin Shahaadadii Musuqmaasuqa ee aan kal hore diyaariyay.
 
Waxa aan cabbaar idiinka warrami doonaa sheeko muujinaysa sida uu qalbigu u engagay Golaha Deegaanka Hargeysa ee ay u ogsoonyihiin dhamacda ay quudanayaan, waxaanay dhex martay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimaddii iyo nin ay saaxiib yihiin oo rabay in uu Maayarku shaqaalaysiiyo nin ay walaalo yihiin.
 
Maayar Soltelco waxa ay saaxiib muddo dheer yihiin Irbad Maxmed Siciid oo hadda ka tirsan Guddiga Doorashada Soomaaliya, aqoonyahanka Gargaar ayay ka wada tirsan yihiin. Gargaar ma aha urur samafal iyo cusbitaal wax lagu daweeyo midnaba, waa mafash weyn oo qayilka loo kiraystay. Halkaas ayaa ay labadaas nin muddo jilibka wada laabi jireen.
 
Waxa uu Duqa Caasimadda u geeyay walaalkii Caaqil Maxamuud Maxamed Siciid (Caato), waxaanu yidhi “Waxa aan rabaa in aad walaalkay ku qorto shaqo ku habboon xirfaddiisa”. Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid waxa uu yidhi “Meesha waxa aanu ku haynnaa booli (xaaraan) lagu gubanayo, ma in lagu cadaabo ayaad rabtaa? Waar Irbadow walaalkaa ha halaagine, meel kale la doono”. Halkaa ayaa lagu af-xidhay codsigii shaqada.
 
Sawtii hore loo yidhi
Nimay duumo haysaa wuxuun, lagu daryeelaaye
Weli daba-ka-yaab looma helin, daawo loo cuno’e (Siciid Gahayr)
 
Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.