“Xataa Haddii ay (Somaliland) ku Qancayaan inaan Xilkayga ku waayo waxa ii Muhiimsan Midnimo….” Md. Farmaajo

MADAXWEYNAHA FEDERAALKA SOOMAALIYA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal midho-dhal ah oo uu la furo Somaliland, isla markaana ka shaqeeyo midnimada Soomaaliyeed iyo isu-soo-dhawaynta Bulshada xataa haddii ay noqoto inay Walaalaha Somaliland ku qancayaan Kursiga Madaxweyne ee uu ku fadhiyo.

MADAXWEYNAHA FEDERAALKA SOOMAALIYA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO

Sidaa waxa lagu Sheegay War Kooban oo Cod Arbacadii Maanta lagu baahiyey Bayjka Idaacadda Dawladda Soomaaliya Maamusho ee Radio Muqdisho ee Internet-ka ee Radiomuqdisho.net oo aannu Warkan ka soo xigannay.

“Waxaan doonayaa Soomaaliya ugu horreeyo inaan bilawno wadahadal (Somaliland iyo Soomaaliya), oo aan ka shaqayno sidii aan dadka isugu soo dhawayn lahayn ee wadahadal loo furi lahaa; si taas loo helo Anigu waxaan diyaar u ahay inaan bilaabo wadahadallo dhab ah.” Sidaa ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yidhi Codka lagu baahiyey Radio Muqdisho oo aannu Qoraal u soo beddelnay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Farmaajo oo sii watay hadalkiisa, waxa uu intaas ku ladhay; “Wax alla waxay ku qanci karaanna (Somaliland), xataa hadday tahay inaan xilkayga ku waayayo, waxa iiga muhiimsan midnimada Soomaaliya. Markaa, waxa la rabaa Siyaasiyiintu inay ka tanaasuli karaan Jagaday hayaan. Anigu Raysal-wasaare ayaan ahaa, waan tanaasulay, haddana waykan aan (Madaxweynaha ahay).”

Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u bilaabmay sannadkii 2012-kii, isla markaana dhawr jeer Madaxda labada dhinac iyo Guddiyo u kala magacawnaa wadahadalladaasi si foolka-fool ah isugu hor-fadhiisteen dalal dibedda ah. Inkasta oo kulammadaas hore u dhex-maray aan natiijooyin meel-maray oo waawayni ka soo baxin haddana waxa jiray Heshiisyo ay labada dhinac kala saxeexdeen oo geeddi-socodka wadahadalka iyo isu-soo-dhawaanshaha labada dhinac laga dheehan karayey.

Hase-yeeshee, Wadahadalladaas Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo iyadu tan iyo 18-kii May 1991-kii gaar ama gooni uga taagnayd Soomaaliya, ayaa hakad ku jira tan iyo 1-da bishii Maarso sannadkii 2015-kii oo ay Guddiyo labada dhinac ka socday isku fahmi waayeen Xubno ku jiray Guddiga Muqdisho ka socday oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobollada Somaliland, kuwaas oo ay Guddiga Hargeysa ka socotay diideen la fadhisigooda.

Inkasta oo ay labada dhinacba sheega inay diyaar u yihiin sii wadista wadahadalka, haddana weli laguma guulaysan dib u dhaqaajinta wadahadalkaas oo intii uu socday 3 dawladood is-beddeleen dhinaca Soomaaliya, halka Somalilandna Xukuumadda ka jirta wakhtigeeda muddo-kordhinta ahaa hadda gabaabsi yahay oo uu ku dhammaanayo 13-ka bisha 12-aad sannadkan 2017-ka haddii ay doorashada Madaxtooyadu qabsoonto wakhtiga loo cayimay ee ah 13-ka bisha 11-aad ee 2017-ka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.