“Wasiir Samsam, Waxaan Ku Hambalyeynayaa Dhammaystirka Biyaga Wajaale & Daryeelista Bulshada” Mawliid A. Cumar

WASIIR SAMSAM CABDI AADAN IYO MAWLIID AADAN CUMAR

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ah muwaadinad u dhego-nugul wax ka qabashada adeegyada aasaasiga ah ee shacabka, waxaan leeyahay Marwo Samsam in badan waxaan ka daawaday Warbaahinta Dalkeena Adigoo ku hawlan shaqo ka baxsan Waajibaadka iyo xilka Wasaaradda Maaliyadda oo aad Wasiir ka tahay, xaqiiqaduna waxay tahay waxaad ku taagan tahay ama aad fulisay murtidii ahayd “Tiisaba Daryeelaa tu kale ku dara”.

WASIIR SAMSAM CABDI AADAN IYO MAWLIID AADAN CUMAR

Sidaasi awgeed, waxaan leeyahay waan kugu bogaadinayaa sida aad ugu heellan tahay daryeelka adeegyada aasaasiga ah, sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo gurmadka abaaraha ee shacabka Somaliland.

Sidoo kale, waxaan kugu hambalyeynayaa dhamaystirka mashruuca biyo-gelinta degmada Wajaale oo aad dhamastirtay 26/8/2017, Mashruucaas biyaha Wajaale oo afar sannadood ay naawilayeen bulshada ku nool degmada Wajaale. Waxaan leeyahay Wasiir Samsam Alle hakaa abaalmariyo samafalka iyo ka War-haynta baahida shacabka Somaliland.

Wa billaahi Tawfiiq.

Waxa Qoray Mawliid Aadan Cumar

Mawliid Aadan Cumar

Hargeysa/Somaliland.