Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Mishiinka Wadnaha lagu Kiciyo ku Wareejisay Cusbitaalka Guud ee Gabiley

WASIIRKA MAALIYADDA OO DEEQ GAADHSIISAY CUSBITAALKA MAGAALADA GABILEY 2017

Gabiley(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Maamulka gobolka Gabiley, ayaa Cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley ku wareejiyey Deeq Mishiinka Wadnaha lagu kiciyo yo Deeq kale oo uu ka mid yahay Gaadhi Noha ah oo ay ugu deeqeen Cusbitaalka Dhimirka ee magaaladaas.

WASIIRKA MAALIYADDA OO DEEQ GAADHSIISAY CUSBITAALKA MAGAALADA GABILEY 2017

Deeqdan Miishanka lagu kiciyo wadnuhu marka uu istaagayo ayay dhalinyarada Ururka Somaliland Solidarity ugu deeqeen Cusbitaalka Berbera, Halka Mishiinka labaad ay Wasiirka Maaliyaddu ugu deeqday Cusbitaalka Gabiley.

Waxaana sidaa lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Wararka u qaabbilsan. Warkaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com xalay, waxa uu u dhignaa sidan:- “Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadashay Munaasibad Deeqdaas lagu wareejiyey, waxay tidhi; “Dalladdaas Somaliland Solidarity oo uu innagala joogo Cabdifataax Ismaaciil oo runtii dedaal badan u sameeyey Somaliland oo dhalinyarada aadka u dedaasha ah oo had iyo jeerna waxtar badan soo geysta balse imika ay arkeen in qalabkan baahi badan loo qabo oo ah marka qofku wadnuhu istaago kii laydhka la galiyey ee lagu kicinayey wadnaha oo ay Berbera ay iyagu xabad ugu deeqeen oo anaguna Wasaarada Maaliyada ahaan aanu ku nidhi noo soo qaada mid intaydaan soo bixin anaguna cusbitaalka Gabiley aanu siino.”

“Waxaanay diyaar u yihiin imika inay ku tababaraan dhalinyarada caafimaadka qalabkan oo horena tababar u siiyey sida qofka marka wadnuhu istaago sida looga shaqaysiiyo ee gacanta loo adeegsado. Imikana diyaar u ah siday mishiinkan ugu shaqaynayaan iyo siday u ilaalinayaanba.” Ayay tidhi Wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Sidoo kale, Cabdifataax Ismaaciil oo ka mid ah dhalinyarada mishiinka wadnaha ugu deeqday cusbitaalka magaalada Berbera, halka ka kalena ay Wasaarada Maaliyadu usoo iibisay magaalada Gabiley ayaa isagoo Cabdifataax arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi; “Dhalinyarada Somaliland Solidarity oo saldhigoodu yahay magaalada Bristol oo dhalinyaro ayaanu u badanahay aqoonyahano jaamacadaha ku jira, dalka markaanu imanaynay waxa aanu soo qaadnay xabadaa mishiinka ah markii aanu darisnay baahida jirta oo aanu u aragnay.”

“Waxaannu isku marnay cusbitaalada Boorama ilaa Burco, labada meelood ee ugu liitaa waxa ay noqdeen gabiley iyo Berbera, Alle ha ka jazaa’I siiyo marwo Samsam ayaa kii labaad noo iibisay, doraad ayaano soo bixinay oo aanu gudoonsiinay Berbera, ka labaadna maanta ayaanu ku bixinaynaa Gabiley.” ayuu yidhi Cabdifataax Ismaaciil oo ka mid ah dhilinyarada magaalada Bristol ee dalka UK.

Maayerka magaalada Gabiley Maxamed-Aamiin Cumar Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Qalabkaa maanta aynu ka gudoomayno Wasiiirka Maaliyada oo ah qalabka marka wadnuhu istaago lagu kiciyo  oo runtii gobol ahaan aanu aad iyo aad ugu amaanayno doorka ay ka qaadato arimaha Bulshada iyo ururka Somaliland Solidarity ee dhalinyarta reer Bristol oo runtii waxqabad la taaban karo u haya Somaliland, kuwaas oo qiimayn ku sameeyey cusbitaalada dabeetana ay u soo baxday baahida cusbitaalada Gabiley iyo Berbera inay u baahan yihiin qalabkaasi.”

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyada Marwo Samasam Cabdi Aadan iyo Ururka Gabiley development waxa ay  gudoonsiisay gaadhi Noha ah cusbitaalka dhimirka ee magaalada Gabiley. Halka sidoo kale Ururka Samakaab ay Shahaado Sharaf ku guddoonsiyeen Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay ku maamuuseen waxqabadka ballaadhan ee ay ka geysatay gobolka Gabiley.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkaas Qoraalka ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.