Beesha Caalamka Oo Wefti U Soo Dirtay Xallinta Ceebta Ka Taagan Doorashadii  Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa(Ogaal) Wefti sare oo ka kooban daneeyayaasha caalamiga ah ee Somaliland taageera ayaa la filayaa inay socdaal ku yimaadaan magaaladda Hargeysa maanta, isla markaana kulamo la yeeshaan dhinacyada uu khuseeyo muranka doorashada Gudoomiyaha Wakiiladda iyo arrimo kale oo la xidhiidha doorashooyinka soo socda.

Siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka helay illo kala duwan, weftigan oo ay hormood ka yihiin masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Ingiriiska iyo midawga yurub, waxay xoguhu tilmaameen in imaatinkoodu daaran yahay  ogaanshaha xaqiiqadda dhabta ah ee la xidhiidha fadeexadda doorashadii Gudoomiyaha Wakiiladda oo kala qaybisay golaha, welina murankeedu taagan yahay oo aanay ka heshiin dhinacyada goluhu. Maxkamadda Sare ayaa diiday inay ka garnaqdo dacwad doorashadaa la xidhiidha oo uu u gudbiyay Xil. Cabdiraxmaan Talyanle oo sheegay inuu Isagu yahay ninka ku guulaystay doorashadaa, balse lagaga shubtay, isla markaana soo bandhigay codadkii uu helay ee laga dhigay  inuu helay Baashe. Xaqqiqadda amuurtaa ayaa la werinayaa in weftigu wadahadal kala yeelaan doonaan dhinacyada isku haya, sida xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Xukuumadda iyo xisbigeedda, Guurtida iyo dhinacyo kale.

Beesha caalamka ee taageerta Somaliland ayaa walaac wayn ka qabta xaaladda ay haatan Somaliland ku jirto ee dhinacyada siyaasadda, garsoorka iyo amniga.

Xigasho Wargeyska Ogaal