Guddoomiye Cirro Oo Baaq Nabadeed Diray Iyo Faahfaahin Uu Ka Bixiyay Wefti Dalka Yimi

Hargeysa, 20 August, 2017(Ogaal):- Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Baaq nabadeed u diray laba Beelood oo dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay shalay ku dhexmaray magaalada Buuhoodle.

Dagaalkaas oo sababay dhimashada ugu yaraan Afar illaa Lix Qof, Siddeed kalena ku dhaawacmeen, ayaa dhex-maray laba Beelood oo Walaalo ah oo Buuhoodle wada dega, kuwaas oo Rasaas kala duwan isu adeegsaday, ka dib markii Nin dil dhawaan ka geystay Buuhoodle la sheegay inuu baxsaday ee Beeshii uu Marxuumka ka dilay oo sugaysay in loo qisaaso ka war-heshay inuu rasmi ahaan u baxsaday.

Musharaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Ciro waxa uu ugu Baaqay labada beelood ee dagaalku dhex-maray inay xabbadda iyo dagaalka joojiyaan oo ay soo celiyaan Caqliga iyo nabadgelyada. Waxa uu Cirro Tacsi u diray Qoysaska iyo Ehelada Dadka Dagaalkaas ku dhintay, waxaanu u duceeyey inta ku dhaawacantay oo uu Allaah uga beryey inuu u sikhiro dhaawacyada gaadhay.

“Waxaan ugu Baaqayaa Shacbiga Walaalaha ah ee deggan Buuhoodle in nabadgelyada laga wada-shaqeeyo, Walaalnimada la soo celiyo, Colaadda la joojiyo, dagaalka la joojiyo, dagaal wax innagaga dhinta mooyaane wax innagu soo kordhin maayo.” Sidaa yuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan-Ciro.