Cali Khaliif Galaydh Muxuu Ka Yidhi Rasaasta Dushiisa Ka yeedhay Maanta? Gudaha ka Akhri/ ka Daawo

CALI KHALIIF GALAYDH

Buuhoodle(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay Dagaal dhimashada Lix Qof iyo Dhaawaca Siddeed kale sababay oo Sabtidii Maanta ka dhacay gudaha magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, waxaanu sheegay Xabbadda Dushiisa ka dhacday ku tilmaamay mid ayaan-darro ah oo uu hore uga digay.

CALI KHALIIF GALAYDH

Cali Khaliif Galaydh oo isagoo Shir kaga jira magaalada Buuhoodle, Rasaastu shalay ka bilaabantay magaaladaas, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Caqligu shaqeeyo, oo aanu Qorigu shaqaynin, isla markaana ku baaqay in xaaladda nabad lagu soo dabbaalo, waxaanu soo qaatay tusaale uu ku tilmaamay in danta uu leeyahay tahay degganaansho iyo horumar, si taa loo helana uu noloshiisii raaxada lahayd ee Maraykan, Ganacsigiisii, Reerkiisii iyo Carruurtiisiiba uga yimi, balse weli lala garan la’yahay ujeeddadiisa.

“Rasaasta aad maqlaysaan ee sida Roobka u dhacaysay ee loogu talo-galay Cadowga innaga ayaa isku garaacayna, Khaatumo iyo Shirkeennan iyo damaashad loo tumayo maahee, Walle Qabiilladeennii ayaa Buuhoodle isku dilaya, ayaan-darrada inna haysa ayey ka mid tahay.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Galaydh.

Waxaannu Hadalka Cali Khaliif Galaydh oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.