Weftigii Musharraxa Madaxweynaha Waddani oo Si Cajiib ah loogu Soo dhaweeyey Hargeysa + Sawirro

SOODHAWAYNTA UU HARGEYSA KALA KULMAY WEFTIGA MUSHARRAX CIRRO 19 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo muddo 12 cisho ah Safarro ku marayey deegaannada gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa si diirran loogu soo dhawaayey Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu Sabtidii Maanta Weftigu ku soo laabtay.

SOODHAWAYNTA UU HARGEYSA KALA KULMAY WEFTIGA MUSHARRAX CIRRO 19 AUGUST 2017

Sidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo Xafiiska Wararka u qaabbilsan Xisbiga Waddani ka soo diyaariyey soo dhawayntaas, kaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Safar ay guulo badani ka soo dhasheen oo qaatay muddo 12-cisho ah isla mar ahaantaana Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo wefti uu hoggaaminayaa ay socdaal la xidhiidha wacyi-gelinta qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta Doorashada ay ku soo mareen goballada bari ee Sool iyo Sanaag, ayaa maanta dib ugu soo laabtay isla mar ahaantaana si weyn looggu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.

Weftigan Murashax Cirro oo ay taageerayaal baaxad-weyn oo isbedal-doon ahi ay iskood kaga hor-tageen duleedka bari ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan, calanka bilicda san ee WADDANI iyo weli ba sida oo kale erayo ay ku dhawaaqayeen oo ay ku muujinaayeen cududdooda taageero ee ay u hayaan Xisbiga WADDANI.

Qaar ka mid ah dadweynahii halkaas ku soo dhaweeyey Murashax Cirro oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin guulahii uu Murashax Cirro ka soo hooyey safarkii uu ugu maqnaa goballada Sool iyo Sanaa goo uu ku soo hantay quluubta shacabkaasi, waxaana ay cod dheer ku sheegeen in ay hormuud u yihiin isbedal dhaba oo ka dhaca Somaliland.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna halkaas warbaahinta kula hadlay, ayaa si weyn u sheegay in uu ku faraxsan yahay sida oo kale na uu taageerayaasha uga  mahad-celinaayo soo dhaweynta ay ugu sameeyeen duleedka bari ee magaalada Hargeysa, waxaana uu yidhi:-

“Waxa aanu idiin ka mahad-naqeynaa soo dhaweynta aad na soo dhaweyseen anaga oo ka soo galnay oo halkana ay tahay afaafkii laga galaayey magaalada, soo dhaweynta aad nagu soo dhaweyseen aad baad ugu mahad-san tihiin, waa so dhaweyn aan looggu talo-galin waayo maanta olole ma jiro.” sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro,” Sidaa waxa lagu yidhi Warka Qoraalka ah ee Xafiiska Warbaahinta Waddani naga soo gaadhay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.