Xukuumadda Somaliland oo Ka Hadashay Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Buuhoodle ka dhacay – Akhri/Daawo

MALLEESHIYO-BEELEEDYADA BUUHOODLE KU DAGAALLAMAY

Buuhoodle(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo laba Beelood ku dhex-maray magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn Sabtidii Maanta, kaas oo ay ugu yaraan inta la xaqiijiyey ku dhinteen Lix Ruux, tiro ka badanina ku dhaawacmeen, waxaanay Xukuumaddu ku baaqday in la joojiyo dagaalka oo xalka iyo wadahadalka dhibta la kala tirsanayo lagu soo laabto.

MALLEESHIYO-BEELEEDYADA BUUHOODLE KU DAGAALLAMAY

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay weheliyeen Saraakiil Ciidan, Siyaasiyiin iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo iyagoo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Shir Jaraa’id oo wada-jir ah ku qabteen isla Maanta waxay kaga hadleen dagaalkaas dhimashada iyo dhaawaca sababay, waxaanay ku baaqeen in colaadda la joojiyo, dhibka jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka bilaabmay cadho ka dhalatay Nin dil geysatay oo Baxsaday oo labada Beelood midkood ka tirsanaa, Marxuum Beesha kale ka tirsanna dilka u geystay, waxaana jiray Xeer ay Beelaha Buuhoodle dhawaanahan Sharci ka dhigteen oo dhigaya in Qof kasta oo Qof dila isagana loo qisaaso ama loo dilo, waxaana baxsashada Ninkaa dilka geystay ka dhashay dagaalkan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac keenay.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin-Faratoon iyo Masuuliyiinta weheliyey qaarkood oo ka hadlaya dagaalkaas, baaqyana diraya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.