Soodhawaynta Musharrax Cirro iyo Weftigiisu Kala Kulmeen Gar-adag – Akhri/Daawo

Hargeysa(Aftahannews):-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Wefti uu hoggaaminaayo oo muddooyinkii dambe socdaal ku maraayey goballada Sool iyo Sanaag, ayaa shalay fiidkii illaa xalay si ballaadhan looggu soo dhaweeyey degmooyinka Gar-adag, War-idaad iyo weli ba deegaanada hoos yimaada degmooyinkaasi.

 

Murashax Cirro oo ay weftiga ku wehelinaayeen saraakiil sare sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI, xubno ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale wax-garad iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda deegaanada Gar-adag iyo War-idaad.

Qaar ka mid ah wax-garadka iyo taageerayaasha ka soo jeeda deegaanaddaasi oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin in ay soo dhaweeyaan weftiga Murashax Cirro iyaga oo cod dheer ku sheegay in dadka deegaanaddaasi ay ka niyad jabeen Xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen in uu hagraday isla mar ahaantaana aanu wax cusub u soo wadin wakhti xaadirkan.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo isna dhankiisa halkaas kala hadlay, ayaa sheegay in uu si weyn ugua faraxsan in uu soo gaadho deegaanaddaasi, waxaana uu ugu baaqay in ay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta codbixinta Doorashada si ay fartooda ugu dhaliyaan isbedalka dhabta ah ee qarankani doonaayo.

Habka iyo Hannaanka ay u dhacday Soo-dhawayntaa Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro iyo Weftigiisu Maanta kala kulmeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo Hadallada Masuuliyiintaba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalladan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.