Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Hargeysa (Aftahannews)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka safar ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaana magaalada Dubai.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa safarkiisa ku wahelinayay marwada koowaad ee qaranka Aamin Waris,xoghayihiisa gaarka ah ee Cali Axmed Cali iyo xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac.

Waxaana saaka ka baxeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa,halkaas oo ay madaxwaynaha kusii sagootiyeen wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa,saraakiisha ciidamada dalka,xildhibaano Baarlamaanka iyo Guurtida katirsan iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada socdaalka madaxwaynaha ayaa ah mid gaar ah iyaga oo xogo kasoo baxaya safarka madaxwaynaha ay sheegayaan inuu yahay inuu halkaasi u tagayo kulan uu la qaaddanayo dhakhaatiir ay ballameen safarkiiĀ  hore ee madaxwayne Siilaanyo dhawaan ku tagay dalka Imaaraadka Carabta kaas oo qaatay muddo 28 caano maal ah.

Safarkan uu madaxwayne Siilaanyo saaka ugu baxay Imaaraadka Carabta Ayaan la garanayn mudada uu qaadan doono.