Guddoomiye Cirro Muxuu Ka Yidhi Xaaladda Dekedda Berbera Iyo Waxqabadka Xukuumadiisu Fulin Doonto?

Hargeysa, (Aftahannews)-Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa khudbad uu ka jeedinayey madal xisbiga WADDANI kusoo dhawaynayeen xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Ceerigaabo ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda ay wakhti xaadirkan ku sugan yihiin dekeda magaalada Berbera iyo wadadii Ceerigaabo.

Waxaana uu sidoo kale soo bandhigay waxqabadka xukuumadda ay hirgalin doonto hadii uu ku guulaysto talada dalka.