“Ninka Diiddan Taasoow, Ha Degdegina Aashaa, Sheekada Dib Ugu Noqo!” Maxamed Baashe X. Xasan

MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN

Waa ayaan-darro in Siyaasiyiinteenna qaar ku eedeeyaan Xisbiga Waddani in uu Xamar dalka iyo dadkaba ku wado. Arrintaasi waxa ay u muuqataa in ay abuurayso fitno laga maarmi karo. Waxa ay taasi dhali kartaa in digo hore oo 1990aadkii ah la soo faadhfaadho oo ladhkeeda la soo kiciyo. “Dhidar xabaalo qodaa qudhun buu uga dhaadhacaa!”

MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN

Qolyaha gufaacadan silloon soo kicinayaa ma waxa ay doonayaan in ay xisbiga Waddani dadka ‘harag shaydaan’ u huwiyaan, si ay codbixiyeyaasha qaar uga didiyaan? Haa, oo intaas ayay u jeedaan, hase yeeshee waxa ka maqan in ay fitno hurudda soo toosinayaan!

Waayo, ololahaasi waxa uu dadka dib ugu celinayaa sheekadii ‘maryo-aloolaynta iyo federaaliyaynta ee 1990aadkii’ ee dagaallada sokeeye iyo isa seeggu ka dhashay ee lagu wada hoogey ee kubka iyo bawdada lagaga jabay.

“Muumin god laba jeer lagama wada qaniino!” Ha laga digtoonaado xilliga ololaha doorasho in dadka la isku dayo in la soofdaran habaabiyo. Reer hebel ama xisbi hebel waa Soomaaliweyn horaa kaadhkaas loo xoqday oo maanta wax iib gelaya ma aha ee qof walibow ku biyo cab.

Xusbiga Waddani waa Somaliland car iyo bey la’ oo hawl-galladiiisa iyo barnaamijkiisaa caddaynaya ee ha laga daayo shaambadda qallalan oo ha lagula loollama siyaasad hufan iyo qorsheyaal siyaasadeed oo xeelado la fahmi karo leh oo aan ahayn ‘Xamar bay wax ku wadaan!’

“Caqligii lixdankiina maanta iib geli maayo!

Ninka diiddan taasoow

Ha degdegina aashaa

Sheekada dib ugu noqo.”

Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Hargeysa/Somaliland.