Sujuudda oo la Oogaaday inay Buuqa Ka Saarto Maskaxda – Daraasad Caafimaad By: Dr. Cabdirisaaq-Lixle

Filed under: Aragtida Bulshada,Qalinka Qoraaga,Qubanaha,Wararka |

Muddo haatan laga joogo 1400 oo sannadood ayay ahayd markii uu Nebi Muxamed SCW uu dadka Muslimiinta ah kula dardaarmay inay Sujuudda badiyaan, isla markaana ay Sujuudu tahay xilliga uu qofku Ilaahay ugu dhaw yahay.

Dr. Cabdirisaaq Muxumed Xasan (Dr. Lixle) CILMI-BAADHIS CUSUB 27 JULY 2017

Haddaba, daah-fur caafimaad oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Sujuudu wax badan ka tarto caafimaadka jidhka iyo maskaxda Bani’aadamka.

Dr. Cabdirisaaq Muxumed Xasan (Dr. Lixle) oo ah Cilmi Baadhe iyo dhakhtar haysta shahaadada Master Degree, ayaa waxa uu dhawaan soo dhigey barta uu ku leeyahay Facebook-ga qoraal dheer uu ka diyaariyay arrintaasi, waxa uu ku sheegey in Sujuudu ay daawo ka tahay xanuuno badan, isla markaana qofka Sujuudda badan leh aanu ku dhicin xanuunka isku buuqu, waxaanu Dr. Lixle Qoraalkiisa oo Wargeyska Saxafi soo qaatay ku yidhi;

“Sujuudu waa rukni ka mid ah arkaanta salaada. adoonkuna wuxu Ilaahay ugu dhaw yahay markuu sujuudsan yahay. Suurad dhan oo quraanka kariimka ka mid ah magaca sujuuda ayaa la siiyay si la inoogu sheego ahmiyada ay ilaahay agtiisa ka leeday sidoo kalena waa baraarujin.

SUURATU SAJDAH;

Suuradani waxay dhacdaa numberka 32 marka laga soo tiryo xaga sare dhinaca Faataxadu kaga taalo Kitaabka Qur’aanka ah. kalmadaha sujuud iyana marka quraanka laga dhex tiriyay waxay noqdeen 32jeer. inta jeer ee ay tahay in la sujuudo goobaha ay quraanka kaga soo aroortay tiro ahaan waa 15 jeer.  suuradan aan kor ku soo sheegnayna aayada tilmaamaysa sujuudu waxay ka ga beegan tahay aayada 15aad. sujuuda waxay culimadu ku tiriyaan inay tahay mid ka mid ah Mucjisooyinka quraanka.

 Hadaba akhriste faa’iidada caafimaad ee ku jirta Sujuudda lama koobi karo xubin kasta oo jidhka ka mid ah faa’iido caafimaad ayay ka heshaa jidh ahaan iyo naf ahaanba.  Waxaana ka mid ah:

 1-Jidhka guud ahaan: sujuudu waxay nidaamisaa habsami u socodka wareega dhiiga. Habsami usocodka dhiiguna wuxu firfircooni dheeraada siiyaa jidhka gabi ahaanba.   2- Madaxa: Marka aad sujuudsan tahay dhiiga intiisa ugu badan waxa loo shubaa xaga madaxa si maskaxdu u hesho nafaqadii iyo ogsojiintii ay u baahnayd.

Caafimaad ahaan waxa la rumaysan yahay in.sujuudu ay daaweyso xanuunada neerfaha kiciya ((nervous tension)) oo dhan, arrinta muhiimka ah iyana waxa weeye sujuudu inay daawo ka tahay madax xanuunka iyo dhanjafka ((HEADACHE AND MIGRAINE)), qofka sujuuda badan ama sujuuda ku dheeraadana waxay culumadu sheegeen inaanay ku dhicin xanuunada la xidhiidha Maskaxdu.

 Sababtoo ah Illaahay subxaanahuu wa tacaalaa ayaa xijaab u sameeya ka ilaaliya ((negetive electric charges)) oo ah kuwa cadhada, diiqada, walwalka, murugada, iyo dhamaan xanuunada madaxa keena,

Culimada qaar waxay ku sii tageen inay xataa cimri dherer ku jiro, cimri dhererku halkan micne ahaan wuxuu ugu jiraa hadii caafimaadkaagu wanaagsanaado wax qabadkaaguna wuu kordhayaa,  waxaanad ka badbaadaysaa sanado badan oo aad sariir yaal ahaan lahayd oo iyana waqti cimrigaaga ka go’an ah.

Mar walba se waxad dhimanaysaa waqtigii rabi kuu asteeyay. Maadaama maskaxda ku badan tahay dhaqaaq danabeed (dabka) electirical activity sujuudu waxay ka caawisaa in la isku miisaamo danabka togan iyo tan taban si aanay u dhicin xanuunada ay ka mid ka tahay SUUXDINTU ((EPILEPSY)), sababta oo ah marka uu qofku sujuudsan yahay, dhaqaaaqyada dabaynta taban ee maskaxdu waxay ka soo baxaysa halka uu qofku wejigiisa Sujuudda dhulka ka dhigo, waxaanay toos u gashaa dhulka, taasi oo wax alla wixii buuqa ku abuurayay maskaxdu ay dhulka gelayaan.,

Sujuuddu waxay korisaa garashada iyo fahanka. 3-Qanjidhka maskaxda ku yaal ((Pituitary gland)) waa kan xukuma dhamaan qanjidhada jidhka ku yaal ee dheecaanada sii diiya, qanjidhkaa ayay carisaa sujuudu maadaama maskaxdii heshay nafaqadii iyo ogsojiintii ay u baahnayd, isna wuxu ka shaqaysiiyaa dhamaan qanjidhada jidhka oo sii daaya dheecaanada intii looga baahnaa.

Waxa kale oo ay sujuudu faa’iido u tahay Lafaha, maadaama sujuudu la xidhiidho ka shaqaysiinta lafdharta waxay dawo katahay xanuunada lafaha ku dhaca tusaale ahaan xanuunka ((Rheumatismka)).

Maaha intaasi oo keliya balse  Wadnaha: maadaama sujuudu ka qayb qaadato nidaaminta dhiig wareega waxay dawo ka tahay xanuunada wadnaha ku dhaca sida xinjirawga ku samaysma xididka wadnaha dhexmara oo ka mid ah xanuunada loo yaqaan (CRONARY ARTERY DISEASE)) iyo sidoo kale xinjirowga maskaxda waxayna dawo ka tahay faaliga ((STROKE))

Si guud marka loo eego sujuudo waxay dawo ka tahay kibirka maadaama ibliisku markii uu diiday inuu aadam u sujuudo ilaahay cabiray kalmada kibir ((wuu iskibriyay)) kibirkana culumada psychology gu waxay sheegeen inuu aabo u yahay xanuuno badan oo nafsiya inuu keeno. waxa iyana meesha ku jirta sabirka oo ah dawo aad u muhiim ah marka laga hadlayo xanuunada nafsiga. Hadaba sirta meesha ku jirtaa waxay tahay ((KHUSHUUCDA)) Hadii aan la helin khushuucdaa way adag tay sida jidhka iyo naftuba uga helaan faaiidada caafimaad ee ku jirta, Ilaahoow khushuucda na bar.

References: Quraanka kariimka ah,,,,  www.kaheel7.com www.mawduu3.com dhamaan mawqicyada ka sheekeeya icjaaska cilmiga ee quraanka, ((sheekh ratib nabulsi, sheekh cumar cabdi kaafi, muxaadarooyinkooda sujuuda ku saabsan)).((sheikh shacrawi sheekh iyo cabdixamiid kishk muxaadarooyinkooda sujuuda))”.

Dr. C/Risaaq Muxumed Xasan (Dr. Lixle)

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

Share Button

You must be logged in to post a comment Login