“Xasan Wuxuu Inna Baray Wax Ka Wayn ‘Anaa Qoray’ ..!” Faysal Xiis (Afgaab)

XASAN XIIS

Hargeysa(AFN):- Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis) oo bilawgii siddeetamaadkii ahaa  Agaasimaha Faafinta iyo Daabacaadda ee Akademiyadda Cilmiga Fanka iyo  Suugaanta Soomaaliyeed (Director of Publishing at the Somali Academy of Sciences & Arts) ee Soomaaliya, ayaa hadal uu ka jeediyay soo Bandhigga daabacaaddii saddexaad ee Maansadii iyo dhaxalkii uu ummadda ku hadasha afka-Somaliga uga tegay ALLE ha u naxariisto oo qabriga ha u nuuree Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo uu qoray isla markaana xilweyn  iyo masuuliyadba uu iska saaray Abwaan Qoraa Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe).

XASAN XIIS

Wuxuu  dhallinyarada  ku dhiiriyay in ay qalinka qaataan oo ay umadda dhaxal ga tagaan,waxaa kale oo uu inna baray in aan qalinka loo qaadan in qofku isagu magac doonto oo uu jaaniska uu haysto uga faa’iidaysto aragtidiisa iyo  iyo male awaal uu maskaxdiisa ka keenay in aanu wakhtga iyo tamarta uu haysto ee uu awoodayo in aanu isagu isku miisaamin oo aanu fikirkiisa ku faafn umadana u daabicin wax aan anfac badan lahayn laakiin magiciisa iyo muuqa sawirkiisu ku yaallaan oo uu doonayo in loogu yeedho  ama lagu yidhaahdo waa ninkii qoray Buug Hebel.

Waxaase uu inna tusay in ay taa bedelkeeda ka wanaagsan tahay kana waxtar badan tahay in aad bulshadaada kayd dhigaal ah uga samayso suugaan  iyo taariikh aan dhimanayn oo dadka u noqda dhaxal aan lumin oo aan ka iman kaskadaada laakiin  ah tacab cid kale leedahay oo aad isku hawsho in aad ummada  u daabacdo si ay dhacdooyinka nololeed ee ku meersan iyo tagtadii la soo dhaafay si ay wax badan uga ogaadaan waayihii hore ee la soo maray si ay uga tusaale qaataan meertada nololeed ee lagu jiro iyo odoroska waayaha soo socda.

Taasina waxay inna tusaysa in “anaa qoray ,waxaan soo saaray buug hebel, iyo anaa sameeyay” oo aan macno badan lahayn in ay ka wacan tahay kayd aanad lahayn oo lumaya uruurintiiisa oo wakhti aad gelisaa siday u tahay guul iyo waxqabad wacan oo aad umaddaada u xafiday.

Agaasimaha Faafina & Daabacaadda ee Akademiyadda Cilmiga Fanka & Suugaanta Soomaaliyeed (Director of Publishing at the Somali Academy of Sciences & Arts).xilliga uu xilkan hayay ee uu diiwaanka maansada Timacadde buugii koobaad soo saarayay wuxuu awood u lahaa in uu soo saaro buugaag tiro badan oo uu magacooda iyo qoraalkoodaba uu isagu leeyahay oo aan hubo in ay noqon lahaayeen kuwo waxtar leh oo ummada anfaca  isagoo ah abwaab suugaanyahan ah isla markaana ah qoraa ku xeel dheer afka- Somaliga kuna hadla afaf kale oo uu soo guurin karayay buugaag aqooneed xiiso badan oo soo jiita akhristeyaal badan oo u baahan in afkooda hooyo ee Somaliga ay ku helaan buugaagta dunida kale,laakiin taa wuxuu ka door biday in uu dhaxalkan umadda uga tago oo uu so daabaco buugan.

Waxaa isna sharaf iyo qiimayn mudan mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ahaa maskaxdii horena u uruurisay markii sadexaadba suuragaliyay in la soo saaro daabadaacii sadexaad ee Diiwaanka Maansada Timacadde.

Bal ila dhugo sida deeqsinimada u quudhista leh ee qiimaynta iyo qirista ciddii tacabka lahayd uu uga hadlay Xasan Xiis xafladdii  lagu soo bandhigayay daabacaadii sadexaad ee diiwaanka Maansada Timacadde oo lagu qabtay Hargeysa oo ay ku soo bandhigaysay shirkadda Daabacaadda ee SagalJet

Waxaanu  hadalkiisa ku bilaabay sidan; “Waxa sharaf weyn ii ahayd inaan xalay ka qayb galo daahfurka daabacaaddii saddexaad ee Maansadii Abwaan Cabdullahi Suldaan Maxamed (TIMACADDE), ee uu qoray ama ururiyey qoraaga weyn, madaxiisa Alle ha raajee, Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe).

Waxa sharaf toban jibbaaran ii ahayd inaan ahaa mas’uulkii u horreeyey ee nuqulkii kowaad ee maansadaa daabaca 1983, iyada oo aanan arag, aanuna joogin Boobe oo xaqa qoraalka lahaa.

Xilliga waxa aan ahaa Agaasimaha Faafina & Daabacaadda ee Akademiyadda Cilmiga Fanka & Suugaanta Soomaaliyeed (Director of Publishing at the Somali Academy of Sciences & Arts).

Daabacaadda kowaad, oo nasiib wanaag nuqul ka mid ah xalay la keenay uun madasha, waxa ay kaga duwan tahay nuqullada kale: (1) Waxa uu ka mid ahaa daabacaaddii u horreysey ee madbacaddii Qaranka ee xilligaasi ku tijaabiso Book form; (2) Waxa aan daabacay iyada oo aan qoraagii lahaa dabada haysan oo riixayn; (c) Waxa qaybta hore oo idil ay ahayd baroordiiq abwaanno magac lihi ku xuseen qiimaha uu lahaa Al Shaacir Al Raxiil Timacadde oo aan ka xusuusto rag hadda innaga wada hooseeya Alle Ha u Naxariistee oo ay ka mid ahaayeen Gaarriye, Xuseen Aw Faarax, Cali Ibraahim Iidle, Cali Cilmi Afyare.

Sida uu Boobe ii sheegay xilliga aannu daabacnay waxa uu joogey Diridhabe oo halgankii dib-u-xoraynta Somalia ka xoogaysanayey. Daabacaaddaasi waxa ku keentay inXabashidu  u tuhunto inuu xidhiidh dhow la leeyahay Muqdisho iyo Hargeysa, halkaana lala dabagalo su’aalo darandoorri ah oo markii dambe lagu geeyey Addis Ababa.

Buugaas iyo xilka agaasin ee aan hayey, aniga ahaan, masiirkaygii waxbarsho ayay wax ka beddeleen. Takhasusukaygii hore oo ahaa Literature, waxa aan u Beddeley PUBLISHING oo aan ka qaatay jaamacado ku kala yaalla Oxford (England) iyo Stirling (Scotland) oo iga dhigtay ninka keli ah xilligaa ee maaddadaa Somali ka barta.

Waxa aan u rajaynayaa Boobe cimri dheer, cibaado suubban iyo caafimaad.

Waxa aan ku bogaadinayaa shirkadda daabacaadda ee SagalJet soo-bandhigidda daabacaaddan saddexaad oo si heer sare ah u soo baxday, iyo suurtagelinta madasha quruxda badan ee bilan ee lagu daahfurayey buugga.

Dhallinyarada madasha xalay soo buux dhaafisay waxa aan leeyahay xiisaha aad suugaanta iyo hiddahiinna madhaxa ah u muujiseen ku sii dhowaada oo Ilaahay ha idinka soo saaro kuwa caqligooda iyo camalkoodaba loo aayo ilaa Yawma Diin. Aamiin.”

Faysal Xiis Weerar (Afgaab)

Tifaftiraha Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.