Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay curashada sannadka cusub ee Islaamka

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hambalyo u diray shacbiga Somaliland iyo guud ahaan shucuubta Islaamka oo uu ku bogaadiyay curashada sannadka cusub ee Islaamka 1435 (Hijiriyada) oo ku beegan Isniinta Berri.

Siilaanyo-Madaxtooyadaqqqqqq

Madaxweynuhu waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay in ku dedaalaan wada-jirka iyo ilaalinta nabadgelyada, waxaanu Illaahay uga beryey inuu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo barwaaqo iyo horumar. Waxaana sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaasoo qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1435 (Hijiriyada) awgii oo ku beegan Beri 04.11.2013 oo isniin ah Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taasi la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladiisa kala duwan oo uu leeyahay sanad wanaagsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa in uu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.

Ugu dambayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qarannimada dalka u soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo. Sanad wanaagsan oo wacan.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.