Xukuumadda oo Sheegtay in Yemen laga helay Kalluumaysato Reer Somaliland ah oo Doon ay wateen Dabaylo Afduubeen

KALLUUMAYSATADA REER BERBERA QAARKOOD OO DOON KU DABBAAL-DEGAYA PHOTO FILE

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland, Cali Jaamac Faarax, ayaa sheegay in Xaaladdoodu fiican tahay Rag Kalluumaysato ah oo Somaliland u dhashay iyo Doon ay wateen oo laga lahaa Berbera oo la waayey, maqnaana muddooyinkii ugu danbeeyay laga helay Xeebaha dalka Yemen oo ay ku caaridday Doontaasi markii Mishiinka ama Matoorku ka fadhiistay.

KALLUUMAYSATADA REER BERBERA QAARKOOD OO DOON KU DABBAAL-DEGAYA PHOTO FILE
KALLUUMAYSATADA REER BERBERA QAARKOOD OO DOON KU DABBAAL-DEGAYA PHOTO FILE

Waxa uu Wasiirka Kalluumaysigu sheegay in aanay Kalluumaysatadii saarnayd iyo Doontii-ba dhibaato soo gaadhin, isla markaana ay wakhtigan ku sugan yihiin Abyan oo magaalada Cadan ee dalka Yemen u dhaw. Waxaanu Wasiir Cali-Buureed ugu digay Laashashka iyo Doonyaha yar-yar ay Kalluumaysiga ka dheeraadaan inta ka horraysa bisha siddeedaad oo ay dabaylo jiraan.

“Doontaas waxa naloo sheegay in ay ku caaridday Abyan oo dhinaca Bariga ka xigta Cadan, waxa naloo sheegay in Dadkii iyo Doontiiba nabad-qabaan. Laakiin, ay Dabayluhu halkaas ka tuureen, Mishiinka, ayaa ka xumaaday markaas Dabaysha ayaa iska wadday oo Yemen geysay. Doonta Berbera ayaa laga lahaa oo Dadkii Kalluunka keeni jiray ayay ahaayeen Dadka watay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland oo shalay Warbaahinta qaar kula hadlay Hargeysa.

Waxaanu Wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac Faarax oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray; “Xilligan bisha todobaad oo dabaylo waaweyni ay dhacaan oo aanu uga dignay Doonyaha yar-yar inay Badda galaan ayey iskaga dhiirradeen, haddana waxaannu ku sii dhiirrigelinaynaa in aanay Dadka Doonyaha yar-yar wataa Badda gelin, kuwa Doonyaha waaweyn wataa waa meeshooda ee illaa bisha siddeedaad inta ka horraysa way dhacayaan Dabayluhu.”    

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.