Ma Sii Eegan Karnaa Xurmo-darrada Xisbiga Kulmiye iyo Xukumaddiisa? Qalinka – Cali-Xaraaro

MUUSE BIIXI, SIILAANYO SAYLICI IYO MASUULIYIIN XUKUUMADDA IYO KULMIYE KA TIRSAN PHOTO FILE

Maalmihii ina dhaafey laba jeer ayuu Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi la shirey Saxaafadda magaalada Hargeysa, markii hore wuxuu la shirey Mulkiilayaasha Wergeysyada Sheegta iney Madax-bannaan yihiin, sida, Wargeyska Jamhuuriya, Hubaal, Saxafi, Himilo iyo Foore, Dhammaantood Mulkiilayaasha Wargeysyadaasi waxay isku reer yihiin Muuse Biixi.

MUUSE BIIXI, SIILAANYO SAYLICI IYO MASUULIYIIN XUKUUMADDA IYO KULMIYE KA TIRSAN PHOTO FILE
MUUSE BIIXI, SIILAANYO SAYLICI IYO MASUULIYIIN XUKUUMADDA IYO KULMIYE KA TIRSAN PHOTO FILE

In kasta oo ay Wargeysyadaasi marka hore-ba ay u xaglin jireen xaggiisa haddana sida warar lagu kalsoon yahey sheegeen, waxa uu Muuse Biixi ka codsadey iney labanlaabaan taageerada ay siiyaan. Hayeeshee, haddana maalin dhaweyd ayuu Muuse Biixi qado u sameeyey dhammaan Madaxda Warbaanta magaalada Hargeysa, taasna waxa keeney markii la ogaadey inuu Shir gaar ah la galay Warbaahinta Reerkooda, ka dibna guux ka bilaabmay intooda kale.

Si kasta, wax ha u jiraane waxa fadeexad ku ah Saxaafadda sheegata madax-bannaanidu iney la shiraan Musharrax u tartamaya doorasho, sababtoo ah waxa ka dhamineysa kalsoonidii Musharrixiinta kale. Intaas haddaan ka gudbo, habeen dhaweyd waxa TV-ga Star aan ka daawadey laba Wasiir Ku-xigeen oo eedeynaya Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici.

Inkastoo labadan Wasiir Ku-xigeen ay ka tirsan yihiin Xisbul-xaakimka Kulmiye, Aniguna waxaan ka mid ahay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, haddana waxa naga dhexeeya Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa awgeed kama adkeysan karayo dhaawaca ay u  geysteen Qarannimada naga dhaxaysa, sida Sharcigu dhigayo.

Md. Seylici isaga ayaa Madaxweyne kasii ah dalka inta Madaxweynuhu dibedda ku maqan yahay waa Ku-simaha Madaxweynaha, waxase iyaduna nasiib-darro kale ah illaa immika wax tallaabo ah kamuu qaadin labada Wasiir Ku-xigeen ee dhawaacay Qarannimada JSL. isu wada geeyoo Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa haddii lasii eegto waxa iman doona waxaan immika innoo muuqan.

Qalinkii Cali Cismaan Libaax (Cali-Xaraaro)

Hargeysa/Somaliland.