Somaliland: Aqoonyahan Cilmi iyo Khibrad uu Soo Bartay Si Tabarruc ah ugu Hibeeyey Dalkiisa iyo Dadkiisa

Cali Maxamuud Laaleys (Al-turaabi) OO CILMI IYO AQOON UU SOO BARTAY U HIBEEYEY DALKIISA IYO DADKIISA SOMALILAND JULY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Waa Xog-waraysi dhiirri-gelinaya Doorka Aqoonyahanka Qurbejoogga ah ee Cilmiga iyo Xirfadaha kala duwan soo bartay ay kaga qayb-qaadan karaan maalgashiga Dalkooda.

Cali Maxamuud Laaleys (Al-turaabi) OO CILMI IYO AQOON UU SOO BARTAY U HIBEEYEY DALKIISA IYO DADKIISA SOMALILAND JULY 2017
Cali Maxamuud Laaleys (Al-turaabi) OO CILMI IYO AQOON UU SOO BARTAY U HIBEEYEY DALKIISA IYO DADKIISA SOMALILAND JULY 2017

Waxa uu ku saabsan yahay Aqoonyahan isu-xil-qaamay inuu si tabaruc ah Dalkiisa ugu maal-gashado Aqoon iyo Khibrad uu ka soo kasbaday Waayo Aragnimo 15 Sanno oo uu dalka Sucuudiga kaga soo shaqeeyey Takhasuska Cilmiga Baadhista iyo Qodiska Shidaalka.

Muwaadinkan oo lagu magacaabo Cali Maxamuud Laaleys (Al-turaabi) oo sidoo kale ah Abwaan Eebbe hibo u siiyey curinta Suugaanta kala duwan, waxa uu si tabaruc ah ugu hibeeyey Jaamacadaha dalka, Ardayda iyo Cid kastoo ka faa’idaysanaysa Todoba Buug oo lagu ururiyey cilmiga Soo-saarista Kheyraadka Shidaalka oo ay adagtahay in si fudud loo helo noociisa.

Waxa uu si cilmiyeysan uga Sheekaynayaa Sida Somaliland uga faa’idaysan karto Hannaanka Maamul iyo Farsamo ee soo-saarista Kheyraadka Dihin ee Shidaalka. Waxa uu sidoo kale qaab suugaanaysan u hoga-tusaalaynayaa muhiimadda ay leedahay in laga faa’idaysto Kheyraadka. Waxa uu tirinayaa Gabay ay ku wada-sheekaysanayaan Riigga lagu qodo ceelasha Shidaalka oo uu ku tusaalaynayo Sida ay Shirkadaha Shidaalku u qirsan yihiin kheyraadka ku dihin dalka iyo doodda ay mar kasta ku dabbaqaan heshiisyada suurta-galka ah. 

Aqoonyahan Cali , waxa uu ka sheekaynayaa Sababta ku kalliftay inuu Aqoontiisa iyo Xirfaddiisa u hibeeyo dalka, isagoo daliishanaya yididiillada Somaliland ka Qabto inay ka faa’idaysato Kheyraadka ku Dihin dalka isagoo dhiirrigelinaya sidii Jaamacadaha dalka looga hirgelin lahaa Kulliyad laga barto Aqoonta Baadhista iyo Soo-saarista Shidaalka, loona heli lahaa Arday ku Takhasusta Cilmigan.

Waxaannu Barnaamijkaa dhinacyada badan ee Aqooneed, Talo, Tusaale iyo Cilmi-hibaynta ah ee Cali Maxamuud Laaleys (Al-turaabi) oo dhammaystiran, si fiicanna looga faa’iidaysan karo idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.