Muqdisho: Xuska 57-Guurada Xornimada Soomaalidii u horreysay Calan qaadato 26 June 1960 – Daawo

XUSKA 26 JUNE 2017 EE 57-GUURADA KA SOO WAREEGTAY MARKII SOOMAALIDU CALANKA KA QAADATAY BRITAIN 1960

Muqdisho(Aftahannews):- Xarunta Dawladda Hoose ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka, ayaa lagu qabtay Xafladda Xuska Qaran ee Maalintii xornimada Habeenkii ay Bishan June 26-ka ahayd sannadkan 2017-ka oo ku beegnayd 57-guurada ka soo wareegtay markii Calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelato laga taagay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo markaas xornimada ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26 June 1960-kii, isla markaana 1-dii Luulyo  la midawday Soomaalidii Talyaaniga Xornimada ka qaadatay ee Koonfurta.

XUSKA 26 JUNE 2017 EE 57-GUURADA KA SOO WAREEGTAY MARKII SOOMAALIDU CALANKA KA QAADATAY BRITAIN 1960
XUSKA 26 JUNE 2017 EE 57-GUURADA KA SOO WAREEGTAY MARKII SOOMAALIDU CALANKA KA QAADATAY BRITAIN 1960

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Raysal-wasaaraha, Shir-guddoonka Baarlamaanka Federaalka, Xildhibaannada, Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida, Qaybaha Bulshada, Wakiillo Beesha Caalamka ka socday iyo Marti-sharaf kale, ayaa ka qaybgalay Munaasibaddaas lagu Xusay 57-guurada ka soo wareegtay Markii Calan Soomaaliyeed la hanto, waxaana Khudbado kala duwan ka jeediyey Masuuliyiinta Dawladda, Ciidammada oo Muujinaya Astaanta Qaranka iyo weliba Fannaaniinta ayaa iyaguna Wacdaro dhigay oo Muujiyey Muhiimadda Maalinta 26 June u leedahay Soomaalida.

Haddaba, Guud ahaan Munaasibaddaas lagu xusay 57-guurada Xornimada Soomaalidii Ingiriiska ka xoroowday oo hadda ah Somaliland, Sidii ay u dhacday iyo Khudbadaha laga jeediyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia/Office.