Daawo Dabbaal-deggii 40-Guurada ka soo wareegtay Xornimada Jabuuti oo Si Cajiib ah Looga Xusay Dalkaas

DJIBOUTI XUSKA 40-GUURADA KA SOO WAREEGTAY XORNIMADII JABUUTI 27 JUNE 2017

Djibouti(Aftahannews):-  Shacabka iyo Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa si cajiib ah ugu dabbaal-degay 40 Sano-guurada ka soo wareegtay markii ay Xornimada ka qaateen Gumaystihii Faransiiska Halgan qadhaadh oo Muddo ay Shacabka, Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta Jabuuti ku jireen, taas oo ku beegnayd 27 June 2017-ka oo ay ku buuxday 40-guurada markii Jabuuti Calanka qaadatay 27 June 1977.

DJIBOUTI XUSKA 40-GUURADA KA SOO WAREEGTAY XORNIMADII JABUUTI 27 JUNE 2017
DJIBOUTI XUSKA 40-GUURADA KA SOO WAREEGTAY XORNIMADII JABUUTI 27 JUNE 2017

Ciidammada, Fannaaniinta, Ururrada Bulshada iyo guud ahaan-ba Dawladda Jabuuti, ayaa Dhawrkii maalmood ee u dambeeyey u Dabbaal-degayey aasaaskii Ciidammada kala duwan ee Jabuuti iyo 40-guurada Xornimadooda, waxaana Dabbaal-deggaas kala qayb-qaatay Jaaliyadaha Bulshooyinka ku dhaqan Caasimadda Jabuuti ee dalalka Afrika ka soo jeeda iyo Ciidammada Waddamada Saldhigyada Millateri ku leh Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Haddaba, Guud ahaan Dabbaal-degga iyo Xuska Xafladaha loo sameeyey 40-guurada Xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa oo aad kaga bogan kartaan Muuqaalladan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.