Fannaanka Cabdiqaadir Jubba oo Wacdaro ka dhigay Xuska 40-Guurada Xornimada Jabuuti, Si Qiiro lehna uga hadlay

FANNAANKA CABDIQAADIR JUBBA OO HEES DUCO AH U QAADAY JAMHUURIYADDA DJIBOUTI 40-GUURADA XORNIMADEEDA 27 JUNE 2017

DJibouti(Aftahannews):- Fannaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdiqaadir Macallin Jubba oo hormuud u ahaa Fannaaniin dalal kala duwan oo Qurbaha ah ka yimi oo lagu casuumay Xafladda Dabbaal-degga 40-guurada ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Jabuuti Xornimada ka qaadatay Gumaystihii Faransiiska 27 June 1977-kii, taasoo ku buuxday 27 June 2017-ka oo Habeen-hore illaa shalay si weyn looga xusayey dalka Jabuuti, ayaa ka hadlay dareenkiisa.

FANNAANKA CABDIQAADIR JUBBA OO HEES DUCO AH U QAADAY JAMHUURIYADDA DJIBOUTI 40-GUURADA XORNIMADEEDA 27 JUNE 2017
FANNAANKA CABDIQAADIR JUBBA OO HEES DUCO AH U QAADAY JAMHUURIYADDA DJIBOUTI 40-GUURADA XORNIMADEEDA 27 JUNE 2017

Fannaanka Cabdiqaadir Jubba oo Hees illaa Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Dawladda Jabuuti fadhiga uga kaceen ka qaaday Xafladda Xuska 40-guurada Xornimada oo Habeen-hore lagu qabtay Caasimadda Jabuuti, ayaa qiiro walaalnimo la ilmeeyey, isaga oo sheegay inuu ku faraxsan yahay in Jabuuti u dabbaal-degayso 40-guurada Xornimadeeda ka soo wareegtay oo uu tilmaamay inay midnimo, wada-jir, nabadgelyo iyo hoggaan wanaagsan oo isku duuban ku soo gaadhay. 

Waxa uu Cabdiqaadir Jubba Tusaale u soo qaatay Soomaaliya oo uu sheegay inay Jabuuti ka horreysay 17 sannadood, Jabuuti oo Walaalkeed ka yar ahaa Soomaaliya-na 1977-kii xoroobay, hase-yeeshee, Soomaaliya aanay nasiib u yeelan inay 40 sannadood nabad iyo midnimo ku xusto Xornimadeeda oo ay la laaday, Dawlad la’aan, Jab, Qax iyo kala Qobasho-na ku dambeeyeen Bulshadii Soomaaliyeed markii dawladdu burburtay.

Sidaa Daraaddeed Fannaan Jubba waxa uu u soo jeediyey Bulshada Reer Jabuuti inay ilaashadaan oo adkaystaan nabadgelyadooda, midnimadooda, dawladnimadooda iyo isku-duubnimadooda, Dalkoodana dhinac uga soo wada jeedaan, ciddii wax xumaynaysana si nabadgelyo ah isaga qabtaan.

Fannaanka Cabdiqaadir Macallin Jubba oo Hees aad u Macaan Midho ahaan iyo Music ahaanba Xafladdaas ka qaaday iyo qayb ka mid ah Hadalkiisa, isaga oo ay Fannaaniintu ka daba-jiibinayso, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.