Siilaanyo Salaaddii Ciidda Ku Tukaday Abu-Dubai, Kulanna la Qaatay Jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka

MADAXWEYNE SIILAANYO OO SALAADDA CIIDAL-FIDRIGA ABU-DUBAI KULA TUKADAY JAALAIYADDA SOMALILAND EE IMAARAADKA JUNE 25 2017

Abu-Dubai(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Salaaddii Ciidal-fidriga Maanta magaalada Abu-Dubai kula Tukaday qaar ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee waddanka Imaaraadka Carabta ku dhaqan, halkaas oo ay Safar ku joogaan Madaxweynaha iyo Xubno kale.

MADAXWEYNE SIILAANYO OO SALAADDA CIIDAL-FIDRIGA ABU-DUBAI KULA TUKADAY JAALAIYADDA SOMALILAND EE IMAARAADKA JUNE 25 2017
MADAXWEYNE SIILAANYO OO SALAADDA CIIDAL-FIDRIGA ABU-DUBAI KULA TUKADAY JAALAIYADDA SOMALILAND EE IMAARAADKA JUNE 25 2017

Waxaa sidaa lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada Somaliland, kaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ku sugan imaaraadka Carabta ayaa salaadii ciidal fidriga ka dib Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan imaaraadka ku qaabiley Hotel ka uu ka degan tahay Abu-Dubai Madaxweynubu.

Kulanka jaaliyadda uu madaxweynuhu la qaatay ayaa ahaa mid ay jaaliyadu nasiib u heshay inay la ciido madaxweynaha qarankooda oo kula sugan dalka imaaraadka, waxaana halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo jaaliyadda uga mahadnaqay sida qiimaha badan ee ay u barbar taagan yihiin horumarka dalka ka socda, gaar ahaan mashaariicaha kala duwan ee imaaraadku ka wado somaliland.

Sidoo kale waxa isna qayb ka ahaa kulankaasi safiirka imaaraadka carabta u qaabilsan Somailand, md Baashe Cawil Cumar oo isagu ku suntan horumarka balaadhan ee ay somaliland ka samaysay waddamada carabta sida imaaraadka.

Madaxweynaha oo maalmihii u danbeeyey ramadaan ku sugnaa Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda sarsare ee Imaaraadka Carabta, iyadoo la filayo inay ka wada hadlaan arrimaha mandaqada ka taagan wakhtigan oo ay Somaliland hore u cadaysay mawqifkeeda.

Madaxweynaha waxa ku wehelinayay kulankan wasiirka xanaanada xoolaha, safiirka UAE ee Somaliland, la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda, Safiirka Imaaraadka iyO Safiir Ku xigeenka UAE iyo saraakiil kala duwan oo ka mid ah Madaxtooyada JSL.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Madaxtooyadu ka soo saartay Tukashada iyo La-kulanka Bulshada qaar ee Madaxweyne Siilaanyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.