“Kuwa Dhibtu ku dambayn doontaa waa Cidda Al-Shabaab Puntland ku dhibaataynaysa ee Deriskeenna ah..” Madaxweyne Gaas

MADAXWEYNE GAAS OO SHEEGAY IN DERISKOODU KOOXDA AL-SHABAAB U ADEEGSANAYO DHIBAATAYNTA PUNTLAND 25 JUNE 2017

Garoowe(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Deriskoodu u adeegsanayaan oo ay Miciin bidanayaan Al-Shabaab, isla markaana ku dhibaataynayaan Puntland, balse ay kuwaas ku dambayn doonto Dhibaatada Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay Naxariis-laawayaal aan cidna u tudhin.

MADAXWEYNE GAAS OO SHEEGAY IN DERISKOODU KOOXDA AL-SHABAAB U ADEEGSANAYO DHIBAATAYNTA PUNTLAND 25 JUNE 2017
MADAXWEYNE GAAS OO SHEEGAY IN DERISKOODU KOOXDA AL-SHABAAB U ADEEGSANAYO DHIBAATAYNTA PUNTLAND 25 JUNE 2017

Madaxweyne Gaas oo Salaaddii Ciidal-fidriga ee Maanta Dunida Islaamka laga tukaday Shacab tiro badan kula tukaday magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkiisa, ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo Cidda u adeegsanaysaa midna ka guulaysan doonin Puntland, waxaanu ku baaqay in Shacabka iyo Dawlad-goboleedka Puntland gacmaha is-qabsadaan oo ay u midoobaan sidii ay Argaggixisada uga tirtiri lahaayeen Deegaannadooda.

Khudbadda uu Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ka jeediyey Goob Fagaare ah oo uu Shacabka Garoowe Salaaddii Ciidda kula tukaday ka jeediyey oo u muuqatay mid uu ugu duur-xulayey Somaliland iyo Galmudug, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.