Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Somaliland oo Shacabka Ku Hambalyeeyay Farxadda Ciidal-Fidriga

FAYSAL CALI WARAABE, MUUSE BIIXI CABDI IYO CABDIRAXMAAN MAXAMED CABDILLAAHI (CIRRO)

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Somaliland ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ayaa shacabka ku hambalyeeyay Ciidda Soon oo ku beegan Berri Axadda haddii Alle yidhaahdo.

FAYSAL CALI WARAABE, MUUSE BIIXI CABDI IYO CABDIRAXMAAN MAXAMED CABDILLAAHI (CIRRO)
FAYSAL CALI WARAABE, MUUSE BIIXI CABDI IYO CABDIRAXMAAN MAXAMED CABDILLAAHI (CIRRO)

Guddoomiyeyaasha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), UCID Faysal Cali Waraabe iyo KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa War-saxaafadeeddo ay soo saareen Caawa waxay Shacabka Somaliland ku hambalyeeyeen Farxadda Ciidda SOON-FUR.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada Golaha, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha Xisbigaasi ee gudo iyo dibad ba, waxa uu hambalyo iyo boggaadin uu u dirayaa guud ahaan umadda Islaamka ah iyo shacabka Somaliland isaga oo ugu hambalyeynaa munaasibadda Ciidul-fidriga ee sanadka 1438-ka oo ku beegan maalinta beri ah.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro), waxa kale oo uu si gaara hambalyo ugu dirayaa ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, shaqaale weynaha qaranka iyo weli ba sida oo kale taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba isaga oo qaranka u rajeeyey in Eebe uu gaadhsiiyo Ictiraaf iyo weli ba horumar aad u ballaadhan.

Guddoomiye Cirro, waxa ugu dambeyntii uu Eebe ka baryayaa in uu xanuunka ka dulqaado intii buktay ee xanuunsaneysay isaga oo sida oo kale na inta kale na u rajeeyey caafimaad iyo cimri dherer, waxa kale oo uu guud ahaan shacabka Somaliland uu u rajeeyey in ay sanadka sanadkiisa ku gaadhaan caafimaad, cimi-dherer, horumar iyo barwaaqo.” Sidaas waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha WADDANI oo ku sugan Dalka Sucuudiga.

Sidoo kale, Guddoomiya KULMIYE Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay xafiiska Hargeysa maanta, ayaa shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey munaasibadda ciidul-fidriga, waxaanu si gaar ah hambalyo ugu diray ciidamada qaranka Somaliland oo uu sheegay inay hawl adag bulshada u hayaan, waxaannu yidhi, “Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa ummadda Islaamka meel ay joogtoba, gaar ahaan waxan hambalyo farxadda ciidda u dirayaa dhammaanba ummada reer Somaliland gudo iyo dibad, waayeel, dhallinyaro, rag iyo dumarba, si gaar ahna waxan hambalyo ugu dirayaa oo aan ugu ducaynayaan ciidamada qaranka ee hadh iyo habeen nabadgelyada dalka iyo difaaciisa u taagan, ilaahayna haka abaal siiyo dhibaatada ay u maraan qarankooda, umaddooduna way og tahay.”

Guddoomiyuhu waxa uu bulshada kula dardaarmay in maalmaha munaasibadda ciidda lagu jiro la isu naxariisto, il gaar ahna lagu eego dadka jilicsan, “Ummadda reer Somaliland waxaan ku dardaarayaa inay isku naxariistaan oo ayaamaha ciidda dadka jilicsan ee fuqarada ah sida diinteenu ina fartay ay inala ciidaan oo loogu dadaalo xuquuqda sadaqo ee ay inagu leeyihiin,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo isaguna War-saxaafadeed soo saaray ayaa Shacabka Somaliland iyo Guud ahaan Shucuubta Islaamka ku Hambalyeeyay Ciidda Soon-fur. Waxaanu u rejeeyey inay Ciido badan ku gaadhaan Nabad, Wada-jir, Farxad, Caafimaad iyo Cibaado.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.