Wax ka Baro Kuway hore u Hodday DP World! Qalinka Cabdikariin Axmed Mooge

DP WORLD IYO DEKEDDA BERBERA

DP World tariikhdeeda, ayaa ka marag kacaysa in ay tahay Shirkad hadimo, si aan taas Shacabka ugu caddayno waxaan soo qaadan doona waddamo dhawr ah oo DP World ay jaanjaamisay oo halkii ay horumar ka eegayeen ku hambabaray horumar la’aan iyo dib u dhac ku yimi Dekadohoodi!

DP WORLD IYO DEKEDDA BERBERA
DP WORLD IYO DEKEDDA BERBERA
CABDIKARIIN AXMED MOOGE FALANQAYNTA DP WORLD IYO DEKEDDA BERBERA
CABDIKARIIN AXMED MOOGE FALANQAYNTA DP WORLD IYO DEKEDDA BERBERA

Qormadan waxaan ku soo qaadan doona wadanka Yemen oo DP world ay la gashay sanadkii 2008 heshiis 30 sano ah oo looga gol lahaa in lagu horumariyo Dekadda Caden si aan wax uga baranno wixii qabsaday qayrkeen.

Waxay ahayd 2008 markii dawlada Yemen, ay heshiis la gashay shirkada DP World, Yemen heshiiskaa ka dib waxay filaysay in Dekada Aden ee dhacda afaafka laga soo galo Bada Cas oo ah dekad ahmiyaddeeda leh marka laga hadlaayo goobta ay ku taal si loo gaadhsiiyo dekadaha horumaray.

Heshiiska ay Yemen la gashay DP World oo ka faahfaahsanaa kan Somaliland la gashay DP World, waxa uu si cad u qeexayey in kor looga qaado 500,000 ee Koontinnar ee markaa Dekaddu handhal-garayn jirtay sannadkii oo la gaadhsiiyo ilaa 900,000 oo Koontinar sannadkiiba.

4 sano ka dib halkii Yemeni ka eegaysay horumar waxa soo baxday in looga sii daray Dekeddoodi oo halkii ay 500,000 oo koontinar ka handhalgarayn jirtay lana filaayay in la gaadhsiiyo ilaa 900,000 oo koontinar sannadkii ay hoos ugu soo dhacday wax ka yar 130,000 koontinar iyo waliba in aanay DP World oofin balanqaadyadii ku cadaa heshiiska ee in Dekada Aden ay DP World geliso ilaa 220 milyan oo dolar oo lagu horumarinaayo dekada oo qudha.

Dawladdii markaa jirtay ee Yemen, markii ay ku dawakhday sida wax yihiin waxa loo xilsaaray in hayadooda la-dagaalanka musuqmaasuqu ay dib u eegis ku samayso heshiiska lala galay DP World, warbixintii ay hayadasi soo saartay waxay ku soo gabagabaysay in aanay DP world oofin balanqaadyadi ku caada heshiiska.

Warbixintaas ayaana horseeday in dawladda Yemen ka baxdo heshiiskaas iyada oo dawlada Yemen lagu xukumay in ay u celiso DP World 35 milyan oo dolar, hada waa dekadoodi oo la xidhay ayay hadana dib u bixinayaan 35 milyan oo dolar si ay isaga eryaan DP World!

Markii lagu dhawaaqay in heshiiskaas la buriyay shacabka reer Yemen waxay isugu soo baxeen dabaaldegyo ay ku mujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin in la eryo DP World, waayo shacabku waxay arkayeen in la dhacay!

Qalinka Cabdikariin Axmed Mooge

Hargeysa/Somaliland.