Somaliland & Khaatumo: “Cudurka kaa gala Fardaha, Haddii laga gubo Dameer. Dawada lama gaadhayo..” Faallo

HESHIISKA SOMALILAND IYO KHAATUMO KU KALA SAXEEXDEEN HARGEYSA 17 JUNE 2017

Somaliland iyo Khaatumo ma laba dawladdood-baa? Maxaa ka khaldan Heshiiska Somaliland iyo Khaatumo? Qodobada ka soo baxay kulankii u dambeeyey ma noqon karaan kuwo xal waara lagu gaadho?  Maxaa dadka looga qariyey meeqaamka laysku hor-fadhiistay?  Waxa Qoray: Weriye Saleebaan-Kalshaale

HESHIISKA SOMALILAND IYO KHAATUMO KU KALA SAXEEXDEEN HARGEYSA 17 JUNE 2017
HESHIISKA SOMALILAND IYO KHAATUMO KU KALA SAXEEXDEEN HARGEYSA 17 JUNE 2017

Hargeysa(AFN):- Guddiyo kala metelaya Dawladda Somaliland iyo Maamulka la baxay Khaatumo, ayaa sabtidii todobaadkan Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay heshiis laga gaadhay wadahadallo bilihii u dambeeyey u socday, kaasoo ay qalinka ku duugeen labada dhinac.

Guddiyada Heshiiska gaadhay waxa kala hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Weftiga Khaatumo Maxamuud Sheikh Cumar Xasan oo ah Guddoomiyaha Baarlamanka Khaatumo, kuwaasoo si kalsooni leh iyagoo laba dhinac ah qalinka ugu duugay heshiis ka kooban shan qodob oo miisaan leh.

Heshiiska waxa kamida in la furo Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo wax laga bedelo, taasoo lagu qeexay in looga  gol-leeyahay in la dhiso dawladnimo cadaalad iyo sinaan ku dhisan. Waxa kale oo kamida in ilaalinta nabad-gelyada iyo wada-noolaanshiyaha laga wada shaqeeyo iyo qodobo kale oo la xidhiidha geedi-socodka wadahallada.

CALI KHALIIF GALAYDH IYO MADAXWEYNE SIILAANYO
CALI KHALIIF GALAYDH IYO MADAXWEYNE SIILAANYO

Heshiiska waxa kale oo lagu sheegay in laysugu soo noqon doono shir dambe oo lagu dhamaystirayo  fulinta qodobada lagu heshiiyey, waxaana wadahadaladda heshiiskani ka soo baxay ay soo socdeen muddo sanad ku dhow oo illaa saddex waji oo kan ka horeeyey lagu kulmay.

Haddaba, Shaacinta Heshiiskan qalinka lagu duugay  iyo musawirka isku-soo-dhawaanshiyo ilaa heerkan laysla soo gaadhay, waxay dhab ahaan sida dhibcaha roobka u qaboojinayaan qof kastoo jecel nabad-gelyada iyo bakhtiinta colaad daba-dheeraatay ee Dad iyo deegaanba saamaysa, sida tan muddada dheer ka taagnayd Gobolada Sool iyo Buuhoodle oo dhinac walba ka saameysay dadka halkaa ku dhaqan, kuna beertay utun Dhaqan iyo mid nololeed.

Waxa kale oo uu heshiiskani naxdin iyo niyad-jab ku yahay cid kasta oo dantay doonto haka lahaatee aan raali ka ahayn in laga heshiiyo Dhagarta iyo dhiig-baxa Dhankaalnimada loo gelayey, kala-qob-qobnaanta Dadka iyo dib-u-dhaca Bulsho ee ay la deriska yihiin Shacbiga ku dhaqan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Sidaas darteed, ayaa loo odhan karaa, waxa heshiiskani maslaxad u yahay mustaqbalka Mujtamaca ay Xabbada iyo Xoogga ciidan la dul-joogeen labada dhinac magaca ay doonaan iyo muuqay doonaanba ha yeesheene.

Dhanka kale, in heshiis la gaadhaa waxay fursad dahabi ah  u tahay, siyaasadihii is-diiddanaa ee sababta u ahaa xasarada iyo in xoog Ciidan laysku waajaho oo  Albaab cusub oo ay xal ku gaadhi karaan u furmay, kuwaasoo sax iyo khalad waxay ku heshiiyeenba in la bogaadiyaa ay fiicantahay tahay.

Haddii aynu dib ugu laabanno, Qodobada Heshiiska oo aynu is-dul taagno, waxay u muuqdaan kuwo si taxadar leh loogu soo bandhigay Saxaafadda, iyadoo afka laga dhowray in aad loo fur-furo hannaanka lagu gaadhay Heshiiska iyo mabaadi’da laga duulay oo dabcan labada dhinacba xaasaasi ku ah, lana dareemayo inay duruufo badani ku xeeran yihiin oo uu mid walba gaarkiisa u qabo daba-ka-werwer ku wajahan fulida Heshiiska.

Sidaasoo ay tahay, haddana waxa muuqata in la qaatay halbeegyo aad u miisaan culus oo la kulmi kara caqabado badan oo ka horyimaada fulinta heshiiskan, waxaana si cad u horyaalla dhinacyada Heshiiska saxeexay sidii ay  waxyaabaha ay ku qanceen iyagu ay uga dhaadhicin lahaayeen Bulshooyinka ay metelayaan.

Dhanka kale, Waxa xaqiiqo ah in su’aallo badani dul-hoganayaan  heshiiskan, waxaana Su’aallaha ka dhashay heshiiskan  kamida qaabka loo wadahadlay iyo meeqaamka labada dhinac kala huwanyihiin oo aad loogu jahawareeray.

Tusaale ahaa, Dadka reer Somaliland,  waxay isweydiinayaan, ma waxa loo wada hadlay, loona sii wada-xaajoon doonaa ilaa shirarka dambe sidii laba dawladdood oo kale, mise laba Maamul, mise Dawlad iyo Koox Mucaarid ah oo Khaatumo la yidhaahdo?.

Isweydiinta Su’aallahan, waxa keenay qodobada Heshiiska oo aanay ku caddayn meeqaamyada laysku horfadhiistay ee heshiiska lagu gaadhay, inkasta oo ay qodobada Heshiiska ka muuqato in natiijada wadahadaladu aakhirka isugu biyo-shubanayaan in meesha laga saaro mid kamida labada magac ee Somaliland iyo Khaatumo, una badan tahay inay qolada Khaatumo la midoobaan Somaliland.

Dhinaca Khaatumo laftoodu waxay durba waajaheen dhaliilo hor leh oo ay u soo jeedinayaan Isimada Dhaqanka ee saameynta ku leh qadiyada Maamulkooda, taasoo bilow u noqon karta kala-qaybsanaan dhexdooda ku timaada oo saamaysa rejjada Heshiiskan.

Sidaasoo ay tahay, waxa Heshisikan ka muuqda inay Dawladda Somaliland aqoonsatay nidaamka la yidhaahdo Khaatumo oo Madaxweyne Galaydh hogaaminayo, taasoo ah arrin saameynteeda leh, isla markaana muujiinaysa inay dhinaca Somaliland tanaasul ilaa heer gaadhsiisan sameeyeen, marka loo eego sida ay isaga ilaaween Ilaalinta Shuruucda dalka iyo Mustawaha dawladnimo oo aan sibiq looga talaabsan Karin.

Geesta kale, marka miisaanka la saaro ujeeddooyin iyo mabaadi’da labada dhinaca. Dhinaca Somaliland waxa lagu tilmaami karaa inay Xukuumaddu qaadatay go’aan siyaasaddeed oo ay doonayso inay guul kaga gaadho xiisada wakhti dheer ka aloosnayd Gobolada Khaatumo. Waxa kale oo cad inay ku fashilantay Xukuumadda Siilaanyo inay kasbato Bulshada ku dhaqan Goboladaas, iyadoo aan  la heshiin kooxda Khaatumo.

Dhanka Khaatumo, mowqifkoodu wuxuu u muuqdaa inay Hal riman dhaqayo-maalayaan oo micnaheedu yahay inay fursadan uga faa’idaystaan helida wax-qaybsi iyo masiir siyaasaddeed oo ay ku bedeshaan magaca iyo Masuuliyada curdin ku dhadhka ah ee ay wataan, waxaana hubaal ah inay soo gaadheen marxalad ay dib ugu soo celin karaan fursado badan oo ay lumiyeen dadka ka soo jeeda Deegaamadoodu.

Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Guddoomiyaha Guddida u metelaya dhinacooda wadahadallada Maxamed Sh. Cumar, waxa ay beyaamiyeen in mowqifkoodu uu yahay inay Somaliland ogolaato rabitaanka Bulshada ku dhaqan Gobolada ay ka soo jeedaan. Waxa kale oo ay caddeeyeen inaanay cidna marti uga ahayn, ugana tanaasulayn helida xuquuqdooda siyaasaddeed, haddii ay waayaana aanay u dhutin doonin wax ka maqan ee ay Somaliland ka rabaan inay noqdaan laba maamul oo jaar ah oo nabad iyo walaalnimo ku wada degennaada gobolka.

Hadalka hogaamiyeyaasha Khaatumo, waxa nuxurkiisa laga dhadhansanayaa  inay  doonayaan  in hadda la dhiso Dawlad Somaliland la yidhaahdo oo loo dhanyahay ama Somaliland iyo Khaatumo la kala ahaado oo la soo afjaro waa sida ay ku doodayaana duulaanka lagu haysto Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle. labadaas arrimood, ayaa  kala doorashadoodu aad u adagtahay, balse gaadhista mid u fudud labada dhinac ku xidhantahay  hadba sida ay uga go’antahay Xukuumadda Somaliland iyo Kooxda uu hogaaminayo.

Haddii la iswaydiiyo mugga iyo miisaanka  tabashada Beelaha Sool, Sanaag iyo Cayn iyo inay tahay xaalad khasbaysa in Shuruucda dalka waxa laga bedelo, si wax looga qabto, waxa jawaab inoogu filan habka uu hadda u yaallo saami-qaybsiga Dawladnimo ee Somaliland. Hase ahaatee in xal u helida tabashadaas laga raadiyo furista dastuurka waxay fogayn kartaa in wakhti dhow xal la helo, waxaana ka qurux badan in qodobka furista Dastuurka  loo qaato qorshe labaad oo lagu salaynayo saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamanka, wallow ay dhici karto in ujeeddada xilligan loo soo qadimayba ay tahay mid loogu sii gogol-xaadhayo mustaqbalka arrintaas.

Qaab-dhismeedka Dawladnimo ee Somaliland, waxa uu ka koobanyahay saddex Golle Qaran oo  kala ah;

1.Waaxda Fulinta oo ay ugu sareeyaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

2.Waaxda Sharci-dejinta oo ka kooban labada Golle Baarlamaan (Guurtida iyo Wakiillada).

3.Iyo Waaxda Garsoorka oo uu ugu sareeyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Saddexdan waaxood ee Dastuuriga ah oo ay laba kamida ah nidaam Doorasho  ku yimaadaan, iminka waxa haysta Beesha dhexe ee Isaaq, marka laga reebo Kursiga Madaxweyne ku-xigeenka oo ay Beesha Samaroon ku fadhido, halka Beesha Harti ee  ay Khaatumo xuquuda u doonaysaa  leedahay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Goleyaasha Baarlamanka.

Tusaale ahaan:

 Madaxweynaha: Isaaq/Habar-jeclo

Guddoomiyaha Guurtida: Isaaq/Habar-jecle

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada: Isaaq/Garxajis

Guddoomiyaha Maxkamadda: Isaaq/ Habar Awal/ Ciise Muuse

Madaxweyne ku-xigeenka: Samaroon

Guddoomiye ku-xigeenka Guurtida: Harti/Warsan-geli

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada: Harti/Dhulbahante

Beesha dhexe ee Isaaq, Kuraasta muhiimka ah ee ay ku fadhiyaan,  waxa u dheer xilal kale oo ay ka  hayaan Hay’addo awooda badan leh  ee  Dawladda dhexe, waxaana kamida Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan, Hanti-dhowraha guud ee Qaranka, Wasaaradaha Maaliyada iyo  Arrimaha Dibada, iyo waliba Guddida Doorashooyinka.

Tusaale 2:

Taliyaha Ciidanka Qaranka: Isaaq

Taliyaha Ciidanka Booliska: Isaaq

Taliyaha Ciidanka Sirdoonka: Isaaq

Taliyaha Ciidanka Badda: Dhulbahante.

Taliyaha Ciidanka Asluubta: Samaroon.

Taliyaha Ciidanka Dab-damiska: Isaaq

Wasaaraddaha Muhiimka ah:

Wasaaradda Maaliyada: Isaaq

Wasaaradda Arrimaha dibada: Isaaq

Wasaarada Arrimaha gudaha: Harti/Dhulbahante

Wasaaradda Caafimaadka: Harti/Dhulbahante

Wasaarrada Waxbarashada: Samaroon

Hay’addaha Madaxabanaan ee muhiimka ah;

Guddida Doorashooyinka: Isaaq

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka: Isaaq

Xeer-ilaaliyaha Guud: Isaaq

Garyaqaanka Guud: Isaaq.

Sidoo kale, hogaamiyeyaasha iyo Murrashaxiinta Madaxweyne ee  Asxaabta Qaranku waxay dhamaantood ka soo jeedaan Beesha dhexe ee Isaaq, halka ay ku-xigeennadooda 1-aadna ka soo jeedaan Beesha Samaroon.

Agaasimeyaasha iyo Maareeyeyaasha laamaha Dawladda dhexe, kuwa waaxyaha iyo Shaqaalaha Dawladdana, waxa ugu badan Beesha dhexe. waxa ku xiga Beesha Awdal, halka ay Bulshada Gobolada SSC ku yihiin tiro aan waxba ka dhicin Asal ma doorshe, marka la barbar dhigo Beelahan kale.

Maxaa xal dhow noqon kara?

Marka ay sidaas, tahay sida cad-ceeda ayey u muuqataa inaanay jirin saami-qaybsi dawladnimo oo cadaalad ahi, dhinacna uu ka raranyahay hannaanka wadaaga Khayraadka dawladnimaddu, hase ahaatee wax-ka-bedelida ama wax ka qabashada cadaalad-darada noocan ahi, maaha mid u baahan in xalkeeda laga baadi doono  furista Dastuurka, waxaana hubaal ah inaanu caqabad ku ahayn Dastuurku in hab cadaalada loo qaybsado Kuraasta Dawladda ee muhiimkaa, balse waxay ku xidhantahay in la helo laba arrimood.

1-In Hogaamiye kasta oo Madaxtinimada dalka qabtaa uu dhismaha Xukuumaddiisa u qaybiyo  hab ka turjumaya  Garsoornimo iyo u cadaalad samayn, isna waafajiyo madaxtinimadiisa iyo hab-dhiska Maamul ee Hay’addaha kale ee Dastuuriga ah.

2-In la helo qanneecad dhamaystiran, Kalsooni iyo ka go’naanshiyo ku saabsan wada-lahaanshiyaha Dawladda Somaliland, taasoo suurto-gelinaysa in si siman loogu tartamo hogaaminta dalka, loona wadaago khayraadka dawliga ah.

Qodobka kale  ee labadan qodob soo raaci karaa waxa uu yahay in la sameeyo hab-sharciyeed lagu kordhinayo Dastuurka oo saamaxaya inay hogaaminta dalka iska dhex arkaan saddexda beelood ee ugu tirada badan Bulshada Somaliland, taasoo noqonaysa in dalku yeesho laba Madaxweyne ku-xigeen oo hadba beesha Madaxweynuhu ka soo jeedo mooyaane labada Beelood ee kale ku-xigeenada qaataan.

Ugu dambeynbayn waxa muhiima inaan Jagada Madaxweynenimadu aanay noqon mid Kooto ugu xidhan Beesha dhexe, balse waa inay si kalsooni leh ugu tartamaan siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha darafyadu, iyagoo taa ka bilaabaya inay marka hore hogaaminta asxaabta ka muuqdaan, siiba kaalmaha ugu sareeya, sida Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran, waxaanay arrintaasi u baahantahay Karti iyo kalsooni waafiya.

FG: Talaabo kasta oo hore loo qaadaa waxay leedahay saameynteeda. waxaase muhiima inay qorshe ka yeellato cidda hogaaminaysaa.

W/Q: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Tafaftiraha Gobanimonews

Emial: curad1986@hotmail.com.