Ramadaanta iyo Ramadkeeda! Qaybta 3-aad – Qalinka: Guuleed Cumar Madar

Guuleed Cumar Madar 2

Bilatay Ramadaane maxaa aynu ku soo dhawaynaynaa? Sidee ayaynu u soo dhawaynaynaa? Qaab noocee ah ayaynu ku soo dhawaynaynaa? Ma inaynu soo iibsano cabitaanno kala gaddisanbaa? Ma inaynu diyaarsanno cunnooyin kala duwanbaa?

Guuleed Cumar Madar 2
Guuleed Cumar Madar 2

Ma inaynu hagaajisanno qolal iyo madbakhyo kala jiidan oo aynu ku soo diyaarsanno kadibna ku cunno baa? Ma inaynu fasax ka soo qaadanno goobaha shaqada iyo waxbarashada, oo aynu hurdo u diyaar garawnaa? Su’aasha uugu mudan inaynu is waydiinaa waa: Sidee uugu habboon ee aynu u soo dhawaynaa bishan aadka u qiimaha badan?

Waxa inala gudboon in aynu u kala baratanno khayraatka faraha badan ee ay bishani wadato, uuna kala dheerayno , oo aynan ka gaabin.

1- Waa in aad ducada alle (S.W.T) barido in uu iimaan iyo wanaag kuugu dhamaystiro bishan barakaysan , oo aanad ka caajisin , kana daalin , dadkii wanaagsanaa ,waa ay baryi jireen alle(S.W.T) mudo(6) lix bil ah oo ka horreeya bisha barakaysan in uu gaadhsiiyo , lix bil (6) oo ka dambaysana waxa ay alle (S.W.T) ka baryi j ireen oo ay ku ducaysan jireen : inuu ka aqballo oo uu miisaanka xasanaadka uugu daro dhammaan khayrkii ay faleen bishii ramadaan.

Siyaabahan aynu hoos ku qornay ayay asxaabtii rasuulku (N.N.K.H) iyagana alle(S.W.T) haka raali ahaadee u soo dhawayn jireen bishan barakaysan.

2- Mahad naqa alle (S.W.T) inaad badiso, Imisaa qof kugu ag tukanaayay sanadkii tagey , maantana ka hooseeya dhoobada, oo sugaya in uu alle (S.W.T) u aqbalo duco wanaagsan oo loo soo duceeyo, hadii la idhaahdo waa la idinku celinayaa adduunyadiina codsan lahaa , hal saacad oo ramadaan ah.

3- Waa in aad farxadaada kor u qaadaa oo aad kordhisaa waji furfuranna aad ku soo dhawaysaa bishan barakaysan, waayo? ma jirto farxad ka wayn in laguu sheego in ay bilatay bishii barakaysnayd.

4- Yeelo go’aan aad ka dhabaynayso , oo ah in aad waqtigaaga gabi ahaanba ku qaadato in aad cibaadaysato bisha barakaysan.

5- Baro cilmiga bishan barakaysan iyo axkaamteeda , waxana waajib ama faral kugu ah in aad alle (S.W.T) ku cabuddo aqoon , Cudur-daar kuu noqon mayso in aad alle (S.W.T) wixii uu ina faray uuga gaabiso aqoon la’aan .Si soonka iyo cibaadada bishan aad qabanaysaa u noqoto mid sax ah oo alle (S.W.T) kaaga aqabalo, hadii aanad wax garanayna alle (S.W.T) waxa uu qur’aankiisa ku yidhi” waydiiya dadka aqoonta diinta u saaxiibka ah , haddii aydaan garanayn”.

6- Yeelo go’aan in aad ka tagto ood ka dheeraato macaasida iyo xumaanta noocyadeeda kala duwan, si dhab ahna uga toobad keen dhamaan falalkii aad fashay ee xumaan ahaa alle (S.W.T) u toobad keen , hadii aanad bishan toobad keenin ! goorma ayaad toobad keenaysaa ?.

7- Isku diyaari in aad dadka wacyi galiso oo aad diyaariso casharo ka waramaya bishan barakaysan , ka jeedi goobaha khayrka lagu wadaago , masaajida, shaqadaadu ha noqot bishan qof dadka diinta uugu yeedha aqoona u leh , maaha in aad aqoon la’aan dadka ku hoddo. haddii aanad aqoon u lahayd axkaamta bishan waxa aad samayn kartaa A. Usoo daabac warside ama jaraa’ido yaryar oo ka hadlaya bisha barakaysan, B. Soo duub cajalado ka hadlay bisha ramadaan oo u hadyadee walaalaha muslimiinta ah ee aad wada nooshihiin . 8- Furo bog cusub oo alle (S.W.T) aad uugu toobad keento ,Qur’aankiisa baro diinta aqoonteeda inaad barato isku taxaluji, Furo bog cusb oo aad rasuulka (N.N.K.H) la yeelato , si aad wixii uu rasuulku(N.N.K.H) ina farayna ugu hogaansanaato wixii uu inooga digayna uuga dheeraato. Furo bog cusub oo aad la yeelato waalidka , qaraabada , ehelka , jaarka , xaaskaaga ama saygaaga, bulshada aad la nooshahay, xidhiidhi oo wanaag kula dhaqan, wajibka kaa saaranna gudo.

9- Illaahay u gaar yeel soonkaaga , yaanu istus kaa noqon,adiga oo naawilaya rajaynaya inaad alle (S.W.T) la kulmi doonto samee cibaado wanaagsan ood ilaahay kula kulanto.

10- U’laab fur-naw umadda muslimiinta ah ee aad meel ku wada nooshihiin, una calool fayoobaw ,hal qofna ha ahaadee yaanu kuu calool xumaan , cafis iyo musaamax ka dalbo.

11-Muhimad gaar ah sii waxyaabaha waajibka kugu ah sida: salaadaha faralka ah ilaa salaada subax , si aanad u seegin ajarka kii uugu waynaa , jamaacadana ku dadaal inaad la gudato salaadaha waajibka ah.

12- La xisaabtan naftaada maalin walba , si aad u ogaato wixii aad ka gaabisay.

13- Qalbigaagu waa inuu ka fayoobaadaa shirkiga, gaalnimada , bidcada iyo jeclaysiga ehelkooda .

14- Quudi dadka sooman ee kaa liita , waxa uu alle (S.W.T) uugu jecelyahay wax la falo in la gargaaro dadka masaakiinta ah.

Lasoco qaybaha dambe………..

Qalinka: Guuleed Cumar Madar.

Guuleed_madar@hotmail.com

Frankfurt, Germany.