Farmaajo oo Gaashaanka ku Dhuftay Lacag Xulufada Sucuudigu ku Baayaceen Mawqifka Soomaaliya ka istaagtay Gedoominta Qadar

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO BOQORKA SUCUUDIGA OO RIYADH KU KULMAY PHOTO FILE 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha dawladda Fedearalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa gaashaanka ku dhuftay qaadashada Lacag Sucuudiga iyo Xulafadiisu ku baayeceen Mawqifka Soomaaliya iska taagtay go’aanka ay Dawladda Qadar xidhiidhka dhinac walba leh ugu jareen Boqortooyada Sucuudiga iyo Dawladaha Carbeed ee ay Xulufada yihiin Isniintii toddobaadkii hore, kaas oo Soomaaliya meel dhexe iska taagtay.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO BOQORKA SUCUUDIGA OO RIYADH KU KULMAY PHOTO FILE 2017
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO BOQORKA SUCUUDIGA OO RIYADH KU KULMAY PHOTO FILE 2017

Warbaahinta The New Khalij news, ayaa soo bandhigtay Warbixin uu kaga hadlay 80 Milyan oo Doollarka Maraykanka oo uu iska diidey madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu xiriirka ugu jaro dowladda Qatar. Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga ee dhawaan xidhiidhka u jaray Qatar, ayaa ku guul-darreystay Madaxweynaha Soomaaliya inay ku qanciyaan sidii uu xidhiidhka ugu jari lahaa Qatar, taaso xataa markii dambe gaadhay in dhaqaale badan Madaxweynaha loo sheego inuu qaato kaddibna uu dalabkooda u fuliyo.

WASIIRKA DIBEDDA QADAR IYO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA FARMAAJO OO MUQDISHO KU KULMAY 11 JUNE 2017
WASIIRKA DIBEDDA QADAR IYO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA FARMAAJO OO MUQDISHO KU KULMAY 11 JUNE 2017

“Muddo labo saacadood ah ayaa kulan albaabada u xidhnaayeen lala yeeshay Madaxweyne Farmajo. Wasiirku wuxuu isku dayey inuu ku qanciyo in uu Lacag qaato, balse wuu diiday Farmaajo isku day walba.” Sidaa waxa yidhi Tifaftirihii hore ee Wargeyska Doha ka soo baxa ee Al-Sharq Weriye Jaber al-Harmi oo Warbaahinta The New Arab iyo The New Khalij news la hadlay, sida ay baahiyeen shalay oo Bishan June ahayd 12.

Hase ahaatee, weli waxaa socda isku-deyo kale oo Sacuudiga iyo Xulafadiisu ay ku doonayaan Soomaaliya inay xidhiidhka u jarto Qatar. Warar soo baxaya, ayaa sheegaya dawladda Sacuudigu inay ugu hanjabtay Madaxweynaha Soomaaliya inay ka jari doonan Dhaqaalaha ay ku bixiyaan Gargaarka ay siiyaan Soomaaliya.

Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa la aamminsan yahay in illaa iyo hadda ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka ka jira Khaliijka, balse Diyaaraha laga leeyahay waddanka Qadar ayaa ku sameeyay Hawada Soomaaliya in ka badan illaa 15 duullimaad maalintii ugu horreysay ee Sucuudiga iyo Khaliijku shaaciyeen go’aanka ay ku gedoominayaan, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee AP, halka ay duullimaadyadaasi weli socdaan, isla markaana Habeennada iyo maalmaha qaar duullimaadyo farabadan Diyaaradaha Qadar ku dulmaraan Hawada Soomaaliya.

Wafdi ka socday dawladda Qadar oo uu hoggaaminayey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaas, ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Md. Farmaajo iyo Raysal-wasaaraha Md. Khayre, inkastoo kulankoodaa aan la ogeyn dhab ahaan wax yaabaha leys kula soo qaaday, haddana waxay u badan tahay in Qatar ku tahniyadeysay dawladda Federaalka Soomaaliya go’aanka ay qaadatay ee dhex-dhexaadnimo.

Geesta kale, Waddamada Khaliijka oo u ugu horreeyo dalka Imaaradka Carabta, ayaa mar horeba la arkay welwelka ay ka qabeen is-beddelka ka dhacay Soomaaliya, sida u sheegayo Wargeyska New Khalij, Madaxda Imaaraadka Carabta gaar ahaan Amiirka leh dhaxalka Abu Dhabi, Mohammed Bin Zayed, wuxuu doonayay in uu kursiga ku sii waaro madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo heshiis badan uu la galay Imaaraadka Carabta kuwaasoo ay ka mid yihiin Maamulidda Dekedo ku yaal dalka, taasoo Imaaraadka u sahlaya in Ganacsi ay dunida kula yeelato. Balse, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmajo, ayaa qorsheynaya in dowladiisu ay diido qaar ka mid ah heshiisyadaa isagoo aaminsan inay yihiin kuwo sharci darro ah.

Natiijadda ugu dambeysa ee ka dhalan karta cadaadiska ay Carabtu saarayaan Soomaaliya, ayaa dhammadkeeda la arki kara haddii ay dhacdo in la xalliyo khaliifka u dhaxeeya,laakin ilo ku dhaw Madaxweynaha, waxay xaqiijiyeen dawladdu inaanay marna beddelaynin mawqifkeeda dhex-dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay khilaafka ka dhex aloosan Dawladaha Carabta intooda badan, sida aannu ka soo xigannay Shabakadda Raxanreeb.com oo Xogtaas oo ay sheegtay inay ilo Farmaajo ku dhaw ka heshay lagu baahiyey Xalay.

Dawladaha Carabta ee Sacuudiga, Masar, Baxrayn, Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Yemen iyo Dawladda Liibiya ee ku sugan dhanka Bariga iyo dalka Maldives, ayaa dhammaantood Isniintii shaaciyey inay xidhiidhka Dublamaasiyadeed iyo xidhiidhadii kale ee ay la lahaayeen dawladda Qadar u jareen. Waxaanay ku eedeeyeen in ay teegeerto Argaggixisada gobolka. Dawladda Jabuuti ayaa iyaduna hoos-u-dhigtay xidhiidhka ka dhexeeyey Qadar, halka ay dawladda Eritrea, ayaa si buuxda u taageertay Qadar

Dawladda aan la aqoonsan ee Soomaaliya gaarka uga taagan tan iyo 1991-kii ee Somaliland, ayaa iyadu taageertay go’aanka Sucuudigu hoggaaminayo, markii ay Soomaaliya mawqifkeeda shaacisay maalin ka dib. Waddamada Kuwait iyo Turkiga, ayaa ku baaqay dhex-dhexaadnimo iyo in wadahadal khilaafka lagu dhammeeyo, isla markaana ay Turkiga iyo Iiraan Diyaarado Cunto iyo Qudaar ah u daabuleen Qadar, maaddaama oo Xuduudaha Cirka, Dhulka iyo Baddaba ay ka xidheen Waddamada Sucuudiga iyo Xulufadiisa oo ay Cuntada iyo Qudaartu uga dhoofi jirtay.

Geesta kale, Dawladda Qadar, ayaa lagu eedeeyey inay jebisay go’aanka Waddamada Carabtu ku gedoomiyeen ee ay Xuduudaha Badda, Dhulka iyo Cirka-ba ka xidheen, ka dib markii ay Isniintii Shalay laba Markab oo Shixnado Cunto iyo Qudaar ah ka raratay Dalka Cumaan oo aan ku jirin waddamada Carabta ee xidhiidhka u jaray Qadar.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.