“Guddi Culimada Madaxweynuhu u Magacaabay Ma Jirto..” Garyaqaanka Guud ee Sland

GARYAQAANKA GUUD EE XUKUUMADDA SIILAANYO CABDISAMAD CUMAR MAAL OO BEENIYEY IN MADAXWEYNUHU CULIMADA GUDDI U MAGACAABAY 12 JUNE 2017

“Waxaan magacaabay…. si ay u soo xulaan, una soo magacaabaan Xubnaha Guddiga Culimada Qaranka, isla markaana u gudbiyaan Golaha Guurtida, si ay u ansixiyaan. Farxad weyn bay ii tahay, in hawshaa la dhammaystiray muddadii aan xilka Qarankan hayey…” Madaxweyne Axmed-Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Garyaqaanka guud ee Xukuumadda Somaliland Cabdisamad Cumar Maal, ayaa sheegay inaanay jirin  Guddi Culimada uu u magacaabay Madaxweynaha dalka Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu tilmaamay inaanu ka fiirsan Guddoomiyaha Ururrka Qareennada Somaliland ee SOLLA Maxamed Maxamuud Xaashi oo Qayrul-dastuuri ku tilmaamay Guddi uu Siilaanyo shaaciyey oo Liiska Magacyadooda Madaxtooyadu baahisay.

GARYAQAANKA GUUD EE XUKUUMADDA SIILAANYO CABDISAMAD CUMAR MAAL OO BEENIYEY IN MADAXWEYNUHU CULIMADA GUDDI U MAGACAABAY 12 JUNE 2017
GARYAQAANKA GUUD EE XUKUUMADDA SIILAANYO CABDISAMAD CUMAR MAAL OO BEENIYEY IN MADAXWEYNUHU CULIMADA GUDDI U MAGACAABAY 12 JUNE 2017

Garyaqaanka guud ee Xukuumadda Somaliland Cabdisamid Cumar Maal oo qaar ka tirsan Warbaahinta Maanta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu magacaabay Guddi Culimada u soo xusha Guddiga rasmiga ah sida uu ku dooday, waxaanu tilmaamay in Qodobbada Sharci ee uu Guddoomiyaha Ururka Qareennadu ku naqdiyey Warka Madaxweyna loo mari doono, gaar ahaan kuwa tilmaamaya ama waajibinaya dhismaha Guddiga Culimada.

Qoraal kooban oo Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada Somaliland soo saaray oo uu ku saxeexnaa Garyaqaan Maal, ayaa Nuqul ka mid ah oo Aftahannews.com soo gaadhay, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Hadalkaygu wuxuu daaran yahay in aan ka jawaabo hadal uu warbaahinta ku qoray guddoomiyaha ururka qareenada oo uu kaga hadlayay guddida culimada oo uu sheegay in qaabka loo maamulay ay tahay qaab sharci daro ah oo aan dastuurka waafaqsanayn.

Marka ugu horraysa waxaannu halkan ka cadaynaynaa in aanay jirin haba-yaraatee, wax Guddi ah oo uu Madaxwaynuhu u magacaabay Culimada, Madaxwaynuhu waxa uu magacaabaa waxay ku soo baxaan faafin khaasa, anaa ah Garyaqaankii guud ee Qaranka ah, anaa ka masuula faafinta rasmiga ah, Guddi Madaxwaynuhu magacaabay haba-yaraatee ma jiraan, Guddi la magaacabay oo aanay Saxaafaddu ogayna ma jirto.

Madaxwaynuhu waxa uu sameeyay Guddi u soo xusha Culimada una gudbisa Golaha Guurtida; sida uu dhigaayo qodobka 119  ee Dastuurka, waxa uu odhanayaa Guddida Culimada waxa xulaya Xubno ka kooban Xukuumadda iyo Golaha Guurtida oo tiro isleeg ah.

Golaha Guurtida ayaana iska leh Ansixinta, Madaxwaynuhu waxa uu xulay Xubno ka kooban laba Wasiir iyo laba Xildhibaan, isagoo raacaya qodobka 119 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxwaynuhu cidda uu magacaabaa waa cid ku soo baxda Saxaafadda Madaxtooyada, wax qarsoonna maaha.”

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Kulan Afur ah Habeenkii Jimcaha ee Toddobaadkan Culimada Dalka Xubno ka tirsan ugu sameeyey Madaxtooyada, ayaa hadal uu ka jeediyey Kulankaas, waxa uu ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in muddada uu xilka hayey la dhammaystiro dhismaha Guddiga Culimada, waxaana qaybta uu Madaxweynuhu kaga hadlay arrintan, magacyada Xubnaha Guddigaas ee Madaxtooyadu Liiskooda Warbaahinta u soo dirtay-ba, u dhignaayeen sidatan:-

“Aniga oo tixgelinaya, codsigii aad Culimo ahaan ii soo jeediseen, ee ku saabsanaa samaynta Guddiga Culimada ee Dastuurka ku xusan, waxaan u magacaabay laba xubnood oo ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo laba xubnood oo ka tirsan Golaha Guurtida, si ay u soo xulaan, una soo magacaabaan xubnaha Guddida Culimada Qaranka, isla markaana u gudbiyaan Golaha Guurtida, si ay u ansixiyaan. Farxad weyn bay ii tahay, in hawshaa la dhammaystiray muddadii aan xilka Qarankan hayey.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Waxaanu Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay intaas ku ladhay; “Ugu dambayn, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad xoojisaan midnimada iyo wada-shaqaynta culimada dhex-deeda. Sidoo kale, waxaan idinkula dardaarmayaa, in aad nagala shaqaysaan la dagaalanka bal-wadaha, figradaha xag jirka ah, qabyaaladda iyo ka hortagga kala qaybinta bulshada. Ducada badiya, dadkana khayrka u tilmaam.”

Sidoo kale, waxa Qoraalka hadalka iyo Warka Madaxweyne Siilaanyo Xambaarsanaa ee Madaxtooyada ka soo baxay Sabtidii oo sii socday lagu shaaciyey Liiska Magacyada Guddiga Culimada, waxaana lagu yidhi sidatan:- “Ugu danbayn Xubnaha ay soo xuleen Culimadu waxay kala yihiin sidan:

Sheekh Cabdilaahi Cali Boqore Jawhar

Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed

Sheekh Maxamed Cumar Dirir

Sheekh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil

Sheekh Dr Cabdirashiid Sheekh Saalax

Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame

Sheekh Dr Cumar Yuusuf Axmed

Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi Barbarawi

Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh

Sheekh Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)

Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi

 Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Agaasimaha guud ee Guddiga).

Guddidan Culimadu waxa uu noqon doonaa mid ka duuli doona qoddobka 119aad, farqadiisa 1aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qoddobka 116aad (Tirada Guddida iyo muddada xilka), qoddobka 117aad (Shuruudaha Xubnaha), qoddobka 118aad (Waxyaabaha Ka Reebban Xubnaha).” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkaas ka soo baxay Madaxtooyada ee Aftahannews soo gaadhay. Hase-yeeshee, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah Guddiga Culimada ee Magacyadooda kor lagu xusay, ayaa iska casilay Xubinnimada Guddigaas, isla markaana ka cudur-daartay ka mid ahaanshaha Guddigaas mar uu Sabtidii u warramay VOA.

Haddaba, Hadalka uu Warbaahinta qaarkeed u qabtay Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda Somaliland Cabdisamad Cumar Maal, hadalkiisa oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.