Booliska Mozambique oo Ragga Bidaarta Leh uga digay Weerarro ka dhan ah oo Dalkaas ka bilaabmay, Sababta keentay & Tirada la dilay

UGAADHSIGA RAGGA BIDAARTA LEH OO MOZAMBIQUE KA BILAABMAY IYO BOOLISKA OO KA DIGAY 2017

Maputo(Aftahannews):- Ciidammada Booliska ee Dalka Mozambique, ayaa Nimanka Bidaarta leh uga digay inay iska jiraan weerarro ay aamminsan yihiin inay ka dhan yihiin Ragga Bidaarta leh, ka dib markii la bartilmaameedsaday seddex Nin oo Bidaar leh, kuwaas oo ay Boolisku sheegeen in dhawaan lagu dila degmada dhexe ee Milange.

UGAADHSIGA RAGGA BIDAARTA LEH OO MOZAMBIQUE KA BILAABMAY IYO BOOLISKA OO KA DIGAY 2017
UGAADHSIGA RAGGA BIDAARTA LEH OO MOZAMBIQUE KA BILAABMAY IYO BOOLISKA OO KA DIGAY 2017

Booliska Mozambique, waxay sheegeen in Saddexda Nin ee Bidaarta leh ee lagu dilay dalkooda dhawaan mid ka mid ah lagala baxay Xubnaha Jidhkiisa. Booliiska, ayaa Sheegay in Raggan Bidaarta leh ay dileen Dad aamminsan in Ninka Bidaarta leh ay Madaxiisa ku jiraan Nasiib iyo waxyaabo kale. Laba Qof oo falkan looga Shakisan yahay ayaa la xidhay oo labaduba ay Dhalinyaro yihiin, sida Ciidanka Ammaanka dalkaasi shaaciyey.

Waxa ay Labada Wiil ee dilalka Raggaas loo xidhay Ciidanka Booliiska Muzombique u sheegeen in Jidhka Ragga Bidaarta leh loo isticmaalo Xafladaha qaar, isla markaana la rumaysan yahay in ay badinayso Hantida. Dhaqankan weli hore looma soo sheegin.

“Bishan u dambaysay waxaannu qabannay oo xidhnay Laba Qof oo looga shakiyey inay hoggaaminayeen Dadka fuliyey dilalkaas. Waxay noo sheegeen in loo isticmaalo Jidhka Ragga Bidaarta leh Dhaqan ahaan, isla markaana ay aamminsan yihiin qayb ka mid ah Bulshada dalkaasi in Qof kasta oo xubin ka helaa noqonayo Maal-qabeen. Sidaa daraaddeed, waxaannu u digaynaa Ragga Bidaarta leh oo aan leenahay is-ilaaliya.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Booliska Mozambique oo lagu magacaabo Inacio Dina.

Hase-yeeshee, waxaa jiray in la dilay Dad badan oo ka tirsan Dadka Albiinoda loo yaqaaanno ee Koonfurta iyo Bariga Afrika, gaar ahaan Dalka Tanzania. Dadkaas Qaybaha Jidhkooda ayaa waxay Dadka dalalkaas ku dhaqani ee sidaa aamminsanay waxay u isticmaalaan oo ay rumaysan yihiin in Qofka iibsada qaybaha Jidhka Dadkaas ay u horseedaan Nasiib-wanaagsan iyo in la Jeclaado. Dhaqankaas iyo Dhaqanka Ragga Bidaarta leh lagu bartilmaameedsanayo ayuu sheegay Afhayeenka Boolisku in xidhiidh ka dhexeeyo ama ka dhaxayn karo.

Qaramada Midoobay, ayaa hore uga digtay weerarrada lagu bartilmaameedsanayo Dadka Albinos ee ku dhaqan Mozambique, kuwaas oo ay Qaramada Midoobay shaacisay in Boqollaal ka mid ah la laayey, isla markaanta Jidhkooda loo isticmaalay waxa ay Dadka Dalkaas ku dhaqan iyo dalal kale oo Afrika ahi aamminsan yihiin inay ku taajirayaan, isla markaana Nasiib wacan iyo Jacayl ka faa’iidayaan, taas oo sababtay in Jidhka Dadkaasi noqdo Ganacsi lagu kala iibsado Lacag qaali ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.